Madaxwayneyaash Somaliland Iyo Dawlad Deegaanka Somaliland Itoobiya Oo Hada Kulmay

0
174

Wajaale(SDN)Waxaa imika soo gaadhay magaalada Togwajaale ee ku taala Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Waxaana Wafdigan Togwajaale qaybta Somaliland ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, Labadan wafdi ayaa kulan ku dhexmari doonaa Togwajaale qaybta ay maamusho Somaliland sida uu qorshuhu yahay.

 

Walaw aan si rasimiya loo shaacin ujeedada socdaalkan uu ku yimid Madaxwayne Mustafe Cagjar Somaliland haddana waxa ay sheegayaan wararka Hordhaca ah ee ay Shabakada Hadhwanaagnews helaysaa inay kawada hadlayaan xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab iyo qodobo kale.

 

Warkan oo Faahfaahsan kala soco wararkayaga Dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here