Madaxwayne Muuse Biixi Oo Sheegay In Ay Waan Waan Uu U Diray Xisbiga Waddani Ka Dhaga Adaygay Hadana Uu U Gogol U Fidinayo

0
1319

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu marar badan isku dayay in uu la kulmo xisbiga mucaaradka ah ee waddani oo aan wali garwaaqsan natiijaddii doorashadii madaxtooyadda.

muuse biixi cabdi waxa uu balan qaaday in uu  ka dhabayn doono balamo iyo axdi ay wada galaan xisbigaasi isla markaana ay ka go’an tahay sidii ay isu laab xaadhan lahaayeen “Waxaan diyaar u ahay, talaabooyinkoodiina aan qaaday wax alaale wixii xanaf ka dhacay doorashadii dalka ka dhacday oo waliba aniga la igu jiifsado oo xisbiga Kulmiye lagu jiifsado oo walaaladayada wax tirsanaya aanu qaboojino.

walaaladayda wax tirsanaya iyagana waxa laga rabaa in ay gar qaataan oo ay gogosha soo fadhiistaan, wax baan kaa tirsanayaa oo kuu soo fadhiisan maayo, waxbaan kaa tirsanayaa oo gar qaadan maayo, diyaar baanu u nahay in aanu goob walba ugu tagno” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu intaasi ku daray “Waan u tagnay oo xaruntooda ayaan ugu tagnay, waanu wada shirnay madax dhaqameedkooda, waanu heshiinay wixii ay igu amreena waan qaatay waana la arki doonaa.

aniga oo waliba ogol in aan dadkii codka badan i siiyay ku jiifsado, iyaguna ay dul qaataan, waxaanu ka sugaynaa walaaladayo in ay iyaguna garqaataan oo ay nabad ku yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here