Madaxwayne Mugabe Oo La Ogaaday Balan Qaadkii Loo Sameeyey Si Uu Isku Casilo + Balanqaad kaas Oo Noqday Mid Dunida Ka Yaabiyey

0
393

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Rober Mugabi ayaa isbuucii hore xilka isaga degay kadib cadaadisyo xoogan oo kaga yimid Xisbigii uu Hogaamiyaha ka ahaa iyo Milatariga dalkaasi.

Image result for mugabe

Waxaa soo baxaya warar ku aadan in Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe iyo Qoyskiisa loo sameeyay balan qaadyo kala duwan si uu xilka uga dego, balan qaadyadaasi ayaana la sheegay in uu Mugabi ku qancay. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Mugabi oo 37-sano Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabwe loo balan qaaday in la siinayo lacag dhan 10-Milyan oo Dollar si uu xilka uga dego, waxaana hor maris loo siiyay 5-Milyan oo Dollar.

 

Waxaa sidoo kale loo balan qaaday in dowlada ay bixin doonto Mushaharkiisa oo gaaraya $150.000 dollar bishii, illaa inta uu ka dhimanayo. Waxay sidoo kale dowlada bixin doontaa adeegiisa caafimaadka iyo safarkiisa dibada,Madaxweynihii hore ee Zimbabwe ayaa sidoo kale Dowlada waxa ay u ogolaatay in uu sii degnaado qasrigiisa uuna heesto ilaaladiisa gaarka ah, Mugabi waxa kale sii lahaan doonaa hantidii uu horey uga helay dowlada oo ay ku jiraan guryo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here