Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Carwada Jaamacadaha Dalka Oo Hargeysa Lagu Daahfuray+ Sawirro

0
325

Hargeysa(SDN)  carwadda jaamacadaha dalka oo saaka si rasmi ah uga bilaabmatay magaalada hargeysa taasi oo ay ka soo qayb galeen ku dhawaad 30 jaamacadood oo ka jira guud ahaan dalkani jamuuriyada Somaliland kuwaasi oo badi 19jaamacadood ay ka jiraan magaalada hargeysa oo halka inta kale ay ka jiraan gobolada dalka.

 

IMG_4443

Waxa goobtaasi  ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka jamuuriyada Somaliland mudane C/raxmaan C/laahi Ismaacil Saylici, wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinata sare, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada,wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Somaliland, madaxda jaamacadaha dalka, aqoonyahan, culimo awdiin iyo waliba marti sharaf aadu tirro badan.

Ugu horayn waxa madashaasika hadlay pro Saleeban Axmed Guuleed oo ku hadlayey afka jaamacadaha ka soo qayb galay carwada saddexaad ee jaamacadaha dalka oo markii saddexaad lagu qabtay magaalada hargeysa, kaasi oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay waxbarashadu gaar ahaan heerka jaamacaduhu iyo waliba marxaladihii kala duwanaa ee ay soo marto waxbarashada dalka.

 

IMG_4413 IMG_4336

Wasiiru Dawlaha wasaarada waxbarashada oo isna goobta ka hadlay ayaa ka xaal waramay carwadani iyo sababaha ay u qabteen oo uu sheegay inay tahay goob uu ardaygu ku dooran karo kuliyada uu raadinaytallo iyo jaamacad fiicana uu ka heli karo,waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay carwadani noqon doonin midi ugu danaysay balse ay sanad walba noqon doonto mid ay ardaydu ka helaan jaamacadaha iyo warbixino ku saabsan kuliyada ay rabaan.

Mudane Abdilaahi Dheere wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo goobtaasi ka hadlay kana jeediyey hadalo u badnaa guubaabo iyo talloyin ayaa sheegay in ay waxbarashada Somaliland ay hada marayso meel aad u wacan oo ay tahay in ale loogu mahad naqo, waxaanu tilmaamay in ay waxbarashada heerka sare ee jaamacadu ay ku dareen sanad cusub oo ay ka sinaan doonaan dhamaan jaamacadaha dalka oo la idhaa ‘’FRESH  MAN’’ kaasi oo ah in ardayga laga soo dhiso xaga hoose iyo aqoonta oo isku kooban laagu soo dhigo sanadkaasi hore.

IMG_4329 IMG_4260

 

Gebogebadii waxa goobtaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mud C/raxmaan C/laahi Ismaciil ‘’Saylici’’ oo u mahad naqay dhamaan jaamacadihii ka soo qayb galay iyo waliba wasaaradii baaaxada intaasi leeg ka soo qayb qaadatay in ay dhacdo munaasibadani amaba carwadani oo ah carwooyinka la qabto mida ugu wanaagsan ee bulsho loo qaban karo, madaxwayne ku xigeenka oo intaasi ku daray in ay Somaliland ku talaabsatay horumaro kala duwan oo dhanka waxbarashada ah iyo horumarda kala duwan dhankasta oo ay yihiinba.

Carwadani oo ah carwadii jaamacadaha Somaliland ayaa waxay carwooyinka kale ee lagu qabto guud ahaan Somaliland kaga duwantaya iyadoo ay tahay mid lagu soo bandhigayo waxbarashada iyo mawduucyo ku saabsan kuliyadaha ay jaamacaduhu bixiyaan.

IMG_4311 IMG_4279 IMG_4294 IMG_4302 IMG_4307 IMG_4250 IMG_4249 IMG_4242 IMG_4237

Surad News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here