Madaxwayne Farmaajo Oo Booqday Barakacayaal U Dhow Xarunta Madax-tooyada Soomaliya

0
339

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacayaasha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa degan beertii daraawiishta oo ku dhow xarunta Madaxtooyada,Kormeerkan ayaa la xiriiray hubinta xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada.

 
Madaxwayne Farmaajo ayaa isagoo tixgalinaya xilli roobaadka la guda galay wuxuu u qaybiyay Barakacayaashaasi aan haysan hoyga Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, taasoo ay si aad ah ugu diirsadeen.

Farmaajo ayaa booqday barakacayaashan wax ka yar ka hor inta aysan isaga iyo wafdi uu horkacayo u duulin magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ka dib casuumaad uu ka helay madaxda dalkaas.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here