Madaxwaynaha Somaliya Oo Ka Dhoofay Muqdisho

0
168

Moqdisho (SDN)Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd u dhoofay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ka mid ah dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah mid uu taageero ugu raadinayo dowladdiisa sidii looga gacan siin lahaa dagaal sal ballaalan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Image result for Farmaajo Oo Muqdisho Ka Dhoofay

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalban doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni sidii ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay u dhaqaaqi lahaayeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, si uu madaxda dalalkaas uga helo taageero milateri oo la siiyo ciidamada Soomaaliya, si ay weerar ugu qaadaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya ciriiri siyaasadeed oo dhanka maamul goboleedyada uga imaanaya, waxaa uu doonayaa inuu furo albaabkiisa diblomaasiyada, isla markaana uu bedelo dhaqanka Villa Somalia oo xubno ku hareereysan Madaxweynaha ay noqdeen kuwo talada dalka isku koobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay guluf dagaal ku qaado Al-Shabaab, balse waxaa ay u baahan tahay dagaalkaas taageero looga helo Madaxda wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya oo amar la’aantood aanay tallaab qaadan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here