Madaxwaynaha Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Ardayda Jaamacadda Admas Oo Xalay Lagu Doortay Hargeysa

0
330

Hargaysa (SDN) Jaamacada caanka ah ee Admas ayaa xalay xarunta wayn ee ay ku leedahay magaalada Hargaysa ku qabatay doorasho lagu dooranayay gudida ardayda jaamacada Admas.

 

 

 

Waxaana lagu tartamayay jogooyin ay kamidyihii madaxwaynaha ardayda Jaamacada Admas, madaxwayne ku xigeenkiisa, baarlamaanka ardayda iyo jagooyinka kale ee golaha ardaydu ubaahanyihiin,waxaana marashixiinta utartamayay jogooyinkaasi ay ka kala yimaadeen qaybaha kala duwan ee Jaamacada.

 

Sidoo kale ardayda codaynaysa ayaa kakala socday galaasyada jaamacadu ka koobantahay oo galaas kasta ay ku matalayeen laba arday,Ugu horayna waxaa sharaxay faa’iidada  uu leeyahay Student Council Madaxwaynaha jaamacada Admas Ixsaan Cumar Ismaaciil.

           

 

Ixsaan ayaa sheegay “ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay Gudida ardayda waxa weeyi in ardaygu ku barto khibradaha hogaamineed, admasna waxa ay sanadkan qaban qaabisay in cidi matasho ardayda marka go’aanada iyo shirarka lagelayo” ayuu yidhi Madaxwaynaha Jaamacada Admas Ixsaan.

 

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay inayna jaamacadu cidna wadan ardayda tartamaysaana ay usimantahay, isagoo kulana dardaarmay ardayda codka bixinaysa inay doortaan arday si dhab ah umatala kana shaqeeya danaha ardayda jaamacada.

 

Xafladan ayaa sidoo kale waxaa fadhiyay gudi loo xilsaaray inay hagaan sida ay doorashadu udhacayso tiiyoo markii ugu horaysana ardayda latusay sanduuqa lagu codaynayo oo madh lana dhigay meel arday walba ka arki karo sanduuqa.

 

Sidoo kale waxaa meel gaara la fadhiisiyay ardaydii tartamaysay,  intaan lagalin codaynatana arday walba oo kamid ah ardayda tartamaysa ayaa lasiiyay laba mirir inuu ku akhriyo ajandihiisa iyo waxa uu isleeyahay waad qabanaysaa.

 

Sagaalka xubnood ee utartamayay doorashada ayaa waxay kala ahaayeen sideed wiil iyo gabadh, ilaa sadex arday oo ay ku jirto inantii keli ahayd ee tartamayaasha ku jirtay ayaa sheegay inay ka tanaasuleen tartankii.

 

Ugu dambayntiina waxaa munaasibada lagu dooranayay gudida ardayda jaamacada hadal kooban  ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Xuseen C/laahi Maxamud

           

           

           

 

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ku dheeraaday talooyin iyo waano uu siiyay ardayda jaamacada “ Sanadada dabme waxay gudida soo diyaarisay doorashadan awooda saari doonaan inay wakhti kabadan kan caawa lasiin doono murashaxiinta tartamaysa  si ay ujeediyaan khudbadahooga oo xataa ay fasalada ka jeedin doonaan ajandahooga”.

 

Mudane Xuseen ayaa sheegay in madaxwaynaha ardayda jaamacadu uu faa’iido badan uleeyahay ardayda sidoo kalana uu waxbadan utari doono ardayda jaamacada isagoo balan qaadayna in sanad walba mar ladooran doono.

 

Ugu dambayntiina waxaa ku dhawaaqayn gudidii doorashada Hogaaminaysay natiijadii doorashada iyo sidii loo kala guulaystay.

 

Waxaana ku guulaystay madaxwaynaha ardayda Jaamacada Admas ee Sanadkan aynu kujirno Maxamuud Maxamed Jawaase  Halka uu madaxwayne ku xigeenka  ardayda jaamacada Admasna uu ku guulaystay Axmed Faarax Ibraahim.

 

Doorashadana ayaa ahayd doorasho ardayda ka dhex abuurtay xamaasad ay ardaydu ugu kala tartamayeen sidoo ay codka ukala heli lahaayeen.

          

 Aakhrikiina waxaa gacmaha is qabsaday ardaydii uu tartanku dhexmaray iyagoo sheegay inay isku haneeyeen hawshana ay wada wadi doonaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here