Madaxda European Union Ka (EU) Oo Shir-Muhiim Ah Ka Leh Arimo Khuseeya Dhibaatada Tahriibta

0
199

Hargeisa(SDN)Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in shir degdeg ah ay ku yeeshaan Brussels maanta gelinka dambe, ayagoo ka hadlaya xiisadda dadka muhaajiriinta ee Mediterranean-ka. Waxaa la filayaa inay ka xaajoodaan talaabooyin wax looga qabanayo tirada muhaajiriinta naftooda biimeeya si ay Yurub u gaaraan.

 

 

Talaabooyinkaas waxaa ku jira codsi uu soo jeediyey ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, oo ku saabsan in Milateriga loo igmado inay burburiyaan doomaha ay isticmaalaan dadka wax tahriibiya ka hor inta aysan shiraacan. Horraantii todobaadkan, in ka badan 800 oo qof ayaa ku dhintay xeebta Libya markii ay doontoodii degtay, taasoo ka dhigaysa qiyaasta dadka dhintay sannadkan in ka badan 1,700.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here