Madaafiic Qasaaro Geesatay oo Goordhaw lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia

0
173

Waxaa goordhaw tiro hoobiyaal ah lagu garaacay degmada Wardhiigley ee Goboka Banaadir gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in tiro hoobiyaal ah oo si daran doori ah loo riday ay mar qura ku dhaceen xaafado katirsan Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Inta la xaqiijiyay hal qof oo la sheegay in uu ahaa Cunug yar ayaa ku dhintay Hoobiyaasha lagu garaacay Degmada Wardhiigley, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5-qof oo kale sida uu noo xaqiijiyay Gudoomiye kuxugeenka dhinaca Arimaha Bulshada Degmada Wradhiigley Maxamed Cabdi Axmed .

Maamulka Degmada Wardhiigley ayaa ku hoolan u gurmashada dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay madaafiicda goordhaw kusoo dhacday qeybo kamid ah degmadaasi, waxaana suurto gal in qasaaraha uu kasii bato inta hada la ogyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here