Madaafiic lagu weeraray Saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka Beledweyn

0
171

Suradnews(SDN)Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in xalay laga maqlay madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

 

Madaafiicda hoobiyeyaasha ah ayaa lagu weeraray saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin galbeedka magaalada Beledweyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku soo dhacay xaafada Howl-wadaag, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah.

 

Afhayeen u hadlay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdaas.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl galka AMISOM iyo ciidamada dowladda ayaa saaka howl gallo ka waday deegaano dhaca galbeedka magaalada Beledweyn, halkaasoo la tuhunsan yahay in madaafiicda laga soo tuuray.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ayaa saldhigyo ku leh daafaha magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here