Maayirku Cashuur Xaq-Daro Ah Buu Naga Qaadayaa Mana Ogolin” Tagaasida Hargeysa Oo Cabasho Weyn Muujiyey

0
1001

Hargeysa(SDN)Mudaharaad salmi ah oo ay maanta sameeyeen qaar ka mid ah tagsileyda magaalada hargeysa ayaa cabasho weyn ku tilmaamay cashuur laga qaado oo ay ka qaado dawlada hoose ee hargeysa kuwaasi oo ku sheegay qayru sharci.

 

mudaharaadkani oo maanta ka dhacay bariga magaalada Hargeysa ayaa waxa iskugu imid ku dhawaad 200 oo gaadhi oo ka tirsan gaadiid leyda u adeegta dadwaynaha, waxaana halkaasi ka hadlay masuul ku hadlayey afka tagaasida magaalada hargeysa oo sheegay in uu aad uga xun yahay siyaabaha loola dhaqmo tagsiilayaasha yar yar ee u adeega bulshada.

waxaanay si weyn eedayntan ugu soo jeediyeen maamulka dawlada hoose ee hargeysa oo uu ugu horeeyo maayirka caasimada kuwaasi oo sheegay in maalin kasta lagula kaco arimo adag oo ay sheegeen in ayna la qabin gaadiid leyda kale ee ka dhex shaqaysa caasimada somaliland ee hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here