Maayarkii Degmada Bali-Gubadle Oo Maanta La Soo Gaadhsiiyey Dhaawacyo Culus Iyadoo Loola Soo Cararey Hargeysa

0
178

Hargeysa(SDN)Mayarka Degmada Bali Gubadle Cabdi Iimaan Jaamac ayaa maanta galinkii hore lagu dhaawacay gudaha magalada bali gubadle , wareerarkan lagu dhaawacay Maayarka ayaa ku aadanaa isku walaq  uu ku sameeyey hawlaha shaqo ee dowlada hoose ee magaalada  bali gubadle,

 

 

dowlada hoose ee degmadaasi Bali-gubadle ayaa mudooyinkii u dambeeyey waday  wado baneyn Bilaa Qorshe ah iyadoo Bulshada ku dhaqan  Deegaankaasi ay Maamulka Degmadaasi ka Tirsanayeen tacadiyo iyadoo ayna Dowlada Hoose lahayn Engineero howshan ku shaqo leh isagoo Maayarku u maamusha siduu doono .

 

 

Dhaawacan loo gaystey Maayarka ayaa ka dambeeyey ka dib markii Dowlada Hoose oo uu Hogaaminayo Maayarku ay Muwaadin  ka mid ah Dadka  Shacabka ah ee magaaladaasi ay ka Baabiyeen Dhul uu lahaa,taasi oo sababtey in uu maanta soo weeraro Maayarka  isagoo dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyey Madaxa ,

 

 

Waxaana Maayarka  loola soo Cararey Magaalada Hargeysa isagoo la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka Adna Aadan Hospitaal ,ka dibna waxaa caawa loo gudbiyey  Dhakhtarka Hargeysa Neerfaha ee Hargeysa Nayroolaji  oo hada lagu daweynayo .

 

 

Hadaba Bulshada ku dhaqan magaalada Bali-gubadle ayaa Mudooyinkii u dambeeyey Cabasho xoogleh ka muujinayey Dhul Boob cad oo uu ku hayo Maayarka Degmadaasi Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac

Wariye:Maxamed Jiciir Aw -Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here