Maanso ( wadankuna ma iibbaa?)

0
571

Waqaloow daroortaa
Weyraxoow amuurtaa
Widhwidhowna muuqaa
Wiilka iyo araggaa
Wacwacaagi daalee
Socodkaad wikinaysaa
Werwer i gu abuuree
Wejigani ma been baa ?

Wadhafkii la tuuriyo
Waagu waysa  sugayee
Horta waasha yeellee
Miyirkuba ma waanaa
Wacyigeeda quusta ah
May sa sii waraystaa,
Uunku weeta deer ba’an
Weehadkeeda doonyoo
Weyddiintu waxay tahay
Wakiillada ma deyn baa ,
Wasiirradu ku lee yihiin ?

Hororkiyo waraabaha
Waranlaha shisheeyaha
Wid intaan lahaabaa
Wehelkay i booboo
Kaan walaashanaayaa
I gu wiirsanaayoo
Weedhaan i dhaahdaa
Ku ka leeto weydiyo
Wax ba yahay ka dhigayoo
Waracii mar hiishaa
Waran lagu jifeeyoo
Xabsi loo walwaalee,
Waddaniga la doortoow
Wajibkaaga gadatee
Danta wadar ahaanteed
Webiyada wadaaga ah
Ninka keli wafaystee
Intuu weelka buuxsaday
Iska sii walwaashoow
Haddaad wiiqday uunkii
Wedka seegimayside
Aakhiruu war yaallaa!

Weerarada isjiidhiyo
Waan-waan isdiidoo
Wedka door bideysaa
Weedadow ku socotoo
Wadhi baa bullanaysee
Weftiyada macaashoow,
Wadankuna ma iibbaa !.

 

Hal-abuur Axmed Cabdi Cismaan

Tell: 063-4316845

Ahmedshaawi@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here