”Maanan Aqbalin Muddo Kordhinta Wixii Dhib Ka Yimaadda Xukumaddu Iyadaa Ka Masuul Ah…” Gud CIrro

0
129

Hargeisa(SDN)Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi Ciro,ayaa ka hadlay kadib gogasha  wada hadal ee ay u fidisay xukuumaddu inay wax xidhiidh ah yeesheen, hadii wada hadalkaasi fashimo wadada ay qaadi doonaan, go’aankii dhawaan ay labada xisbi ee kale sheegeen inuu kaga baxay iyo beesha caalamku cadaadiska ay xukuumadda saartay.

cirrro

 

Waxa uu arimahan kaga hadlay Cabdiraxmaan Ciro waraysi uu siiyay shabakada Hadhwanaag, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay talaabooyinka ay beesha caalamu ay qaadayw axa uu yidhi “Beesha caalamku talaabo muhiim ah ayay ka qaaday arintaas oo waxa yimi safiirkii matalayay midawga Yurub, mudo kardhinta waanu ka digaynaa horena waanu uga dignay, go’aanku markuu soo baxayna waxaanu shacbiga iyo beesha caalamkaba u cadaynay in aanan aqbalayn, hasa yeeshee maaadama oo ay xukuumaddii Somaliland tidhi arintaas waa laga wada hadlayaa waxaanu aqbalnay in la wada hadlo, inkasta oo aan maqlay in xukuumaddu tidhi go’aankaasi waa muqadas oo la badali maayo, waa muqadas oo la badali maayo go’aankii guurtida iyo waa la wada hadlayaa laba is qabta maaha, anagu waanu ogalaanay laakiin hadii uu muqadas yahay anagu aqbali mayno, aqbalaadayadu waxay ku xidhantahay waxa laga wada hadlaayo oo ah ajandi kaliyaata oo ah mudo kordhinta ay sameeyeen golaha guurtida ee aan laysku waafaqsanayan, hadii taas laga wada hadalayo diyaar ayaanu u nahay hadii aanay jirna way soo bixi doontaa.”

 

 

Ciro oo ka hadlaayay mudaharaadyadii loo diiday waxa uu yidhi“Mudaharaadku marka uu salmi yahay waa xaq dastuurku uu siiyay muwaadinka xeer is hortaagi karaana ma jiro waa uu ku dhaqaay oo dad mudaharaad salmi ah waday waa uu xidh xidhay, mudaraadku mar walaba waa uu taagnaan doonaa oo qofka kaliyaata ayaaba mudaharaadi kara.”

 

 

Ciro waxa uu si aan kala cadayn u qaabilay su’aal laga waydiiyay inuu qaadanayo mudo kordhinta golaha wakiilada guddoomiyenimadiisa iyo in kale“Aniga iyo xisbigayguba waxaanu lahayn yaan golaha wakiiladda loo kodhin xukuumaddna ayaan loo kordhin, anaguna maanu kordhin markaas cidii kordhisay halawaydiiyo sababta ay u kordhisay.”

 

 

Guddoomiyaha Waddani oo la waydiiyay in xukuumada ay wada xidheedheen kadib intii gogasha loo fidiyay waxa uu yidhi“Xukuumadda intii ay hadalkan danbe soo saareen dis iskamaanu arkin telafoona kumaanu wada hadlin anigana waxa iiso sheegtay beesha caalamka taasina waa xaqdar in go’aankii xukuumadayda ay iiso sheegto beesha caalamka oo ay yidhaahdaan way ogalaadeen, waxay ahayd haday go’aanka qaateen inay xisbiga ku soo wargeliyaan.”

 

 

Ciro oo sida oo kale wax laga waydiiyay go’aankii xisbiyada kale ay sheegeen inuu kaga baxay waxa uu yidhi“Way jirtay waanu wada fadhiisanay talo la soo jeediyay ayay ahayd waxaanu nidhi waxaanu ku ogalaan karnaa marka la helo damaanad, laba arimoodna la helo, ta koowaad waxay ahayd in madaxweynaha, guddoomiyaha guurtida iyo axsaabta  miis soo wada fadhiistaan waxaasina ay noqdaan wax laysla ogol yahay oo qaranku u dhan yahay oo laysla oglaaday balantaasna waxa qaaday wasiirka daakhiliga iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo yidhi waanu samaynaynaa balantiina may ku guulaysan inay sameeyaan, talabaadan waxay ahayd inuu golaha guurtidu damaanad bixiyo in wakhtigaas aan la dhaafayn oo maalin lagu darayn, guddoomiyaha guurtidaan u tagnay sadexda gudoomiye ayaa la fadhiyay oo wasiirka daakhiliga ayaa fadhiyay waxaan waydiiyay Saleebaan ma damaanad qaadaysaa waxaanu yidhi mayee golay u taalaa, makaas wax lagu heshiiyay mar hadaanay jirin anigu ma saxeexin qaybna kamaan ahayn.”

 

 

Gu’doomiyaha oo la waydiiyay hadii wada hadalada iyo cadaadiska beesha caalamku aanu badalin go’aanka guurtida waxay yeelayaan waxa uu yidhi “Maanu aqbalin mudokordhinta  markaas waxii dhibaato ah ee ka yimaada xukuumadda ayaa iska leh.”

 

 

Ugu danbayntii waxa uu soo jeediyay guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro“Shacbiga Somaliland waxaan ku hanbalyaynayaa maalinta qaranimo ee 18-ka May waxaan ugu baaqayaa xisbigayga taageerayashiisa iyo dhamaan shacbigaba in loo diyaar garoobo lagana qaybgalo xuskaas, beesha caalamkana waan u mahadnaqayaa waxaan is leeyahay wada hadalkan xukuumaddu ogalaatay in aanu iyaga la’aantood suurto galeen imikana waxaan qabaa hadii qaranku wada heshiin karo oo xukuumadda uu wada hadalku ka dhab yahay waynu ka maarmi karnaa beesha caalmka, laakiin sidii Saylici sheegay haday tahay waxa laga yaabaa in aan laga fursanayan in beesha caalanku ay mar labaad inoo timaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here