Maamulka Puntland Oo Warbaahinta Usoo Bandhigay Xubno Ay Ku Sheegeen Inay Ka Tirsan yihiin Al-Shabaab

0
121

Garoowe(SDN)-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa soo bandhigay Magacyada iyo Sawirrada Saddex Nin oo ay ku sheegeen Saraakiil katirsan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay in muddo ah Cabsiyada ku hayeen.

 

Xubnahan, ayey ku sheegeen inay si qarsoodi ah iyagoo dhuumasho ugu jira ay gacanta kusoo dhigeen, waxana ay intaas raaciyeen in Baadhitaanno badan oo lagu sameeyey lagu ogaaday inay yihiin saraakiil sare oo ururkaas ka tirsan.

 

Xubnahan, waxa ku jira Nin dhallinyaro ah oo caan ka ahaa Gudaha Somaliland, kaas oo in muddo ah gacanta Maamulkaas ku maqnaa, balse haatan ka hor aanay warbaahinta usoo bandhigin.

 

Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid oo ay ay haatan maamulka Puntland gacanta ku hayaan, ayaa u dhashay somaliland, waxana uu kamid ahaa Dhallinyarad ugu firfircoonayd xagga dhaqanka looga dambeeyo, isagoo caan ku ahaa aftahan-nimo badan oo uu dadka wax ku tusi jirey.

 

Xubnahan ay Maamulkaasi soo bandhigeen magacyadooa ayaa kala ahaa Mukhtaar C/nuur oo ku magac dheer Axmad Guray taliyihii Al-Shabaab eee buuraha Golis, C/waaxid Cali Gamaa-diid iyo Guuleed Bashiir.

 

Puntland waxa ay sheegtay in xubnaha sharciga la marin doono marka xukunku ku dhaco.

Dhinaca Kale somaliland, ayaa wali ka Hadlin Muwaadinka u dhashay ee Maamulkaasi ku sheegeen inuu Al-shabaab katirsan yahay, iyadoo Xukuumaddu qudheedu hore Muwaadinkan muddo xabsi ugu haysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here