Maamule Shahaadada PHD Ku Maamuusay Afada Mugabe Oo Xabsiga La Dhigay

0
238

Mid ka mid ah maamulayaasha Jaamacadda niversity of Zimbabwe ayaa xabsiga loo taxaabay, ka dib markii guddida dabo galku ay ku soo eedeeyeen in uu ku kacay fal musuq maasuq ah, maadamaa uu shahaadada PhD guddoonsiiyay afada madaxweynihii hore ee wadanka Zimbabwe Grace Mugabe.

ninkan oo lagu magacaabo Levi Nyagura, mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaasi ayaa xasbiga la dhigay, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la soo hor taago maxkamad.

afhayeen u hadlay ciidamada booliska oo warbaahinta u waramay ayaa yidhi “Waxa aanu u qaadnay xabsiga, waxaana uu qorshuhu yahay in uu halkaasi joogo habeeno.

markaas ka dib waxa la hor keeni doonaa maxkamad, iyada oo qaadi doonta kiiska loo haysto oo in uu si xun u maamulay xafiiskiisa” ayuu yyidhi afhayeenka u hadlay booliisku.

wakhtiga haweenayd madaxweynihii hore ee Zimbabwe lagu abaal mariyay shahaadada sare ayaa ahayd sanadkii 2014, waxaana aad u xiiso badan in ay hada maamulka cusub ee talada wadankaasi la wareegay ay ka dabo yimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here