Maamulaha Madaarka Oo La Sheegay In La Eryaayo Iyo Xubnaha Ugu Cad Cad Ee Wasiirka Duulistu Uu U Kala Xulanaayo Bedelkiisa

0
127

Hargeysa(SDN) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaan Bilihii u dambeeyey la dhacsaneyn Shaqadda Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Dhidar), kaasi oo la sheegay in uu mudooyinkii u dambeeyey dhaleeceyn iyo muran badan oo dhinaca Bulshadda Madaarkaasi ku xidhan ee loo adeego oo uu u soo jiiday masuulkaasi darteed uu wasiirku dhaliilaha kaga soo noq noqday darteed uu doonaayo in uu masuulkaasi shaqada uga caydhiyo qofkii bedelilahaa ee shaqada maamulka madaarka ku haboonaana uu hada diiradda ku baadhaayo.

Maa
Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo hatan mudadii xilkaasi uu hayo markii loo magacaabay laga joogo ku dhawaad mudo 3 Sanno ah, ayaa waxay dhibaatooyin ba’ani ka haysteen habka iyo Haykalka dawladnimo ee loo maamulo Madaarka ugu balaadhan Somaliland ee wasiirku uu masuuliyiida saaray, kaasi oo mudooyinkii u dambeeyey ay dhaleeceyno iyo eedeymo isdaba joog ahi kaga imanaayeen qaarka mid ah Madax dhaqameedka, Salaadiinta iyo waliba Warbaahinta Madaxa banaan ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo amaro qaladan oo uu bixiyey iyo waraaqo la sheegay in uu isagu Barxadda hore ee madaarka laga galo loogu diiday Oday dhaqameedka iyo Warbaahinta Muxaliga ahi inay ka galaan Madaar kolka ay hawlo shaqo ama Madaxda Dalku halkaasi ka soo degayaan ee la soo dhaweynaayo ama ayka dhoofayaan.

 
Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hada ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi kuwaasi oo talaabadda uu ku eryaayo iyo waxa uu qoonsaday Maamulaha madaarka Hargeysa uu wasiirku kaga hadlay, balse Ilo xogogaal ah oo Wasiirka iyo Madaarka Cigaal Airport ay u xaqiijiyeen Mareegta Caalamiga ah ee Gobonimonews, waxay noo sheegeen in wasiirku haatan garawsaday aqoon daradda iyo maamul xumada uu ku kacay Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Dhidar), taasi oo keentay in wasiirku uu khaatiyaan ka taagan yahay Dhaleeceyn uu u keenay Mr Dhidar oo Madax dhaqameedka, Warbaahinta iyo qeybaha bulshadda ee Macaamiisha la ah madaarku u jeediyeen Maamulka Madaarka iyo xataa Wasaaradda lafteeda oo lagu eedeeyo sababta uu u eeganaayo ee uu ninkaasi talaabo xoogan uga qaadi waayey, waxaana sido kale ilo wareedadaasi noo xaqiijiyeen in wasiirku uu baadi goob ugu jiro cidii uu ku bedeli lahaa masuulkan dayarta ah ee shaqadiisii gudan kari waayey.

 

 

3-Masuul-Madaarka (1)
Wararka ay helayso Gobanimonews waxay intaasi ku darayaan, inay laba ka mid ah Dhalinyarta ugu fir fircoon dhalinyarta ay isku beesha iyo deegaanka yihiin Mr Dhidar ee haatan uu wasiir Maxamuud Xaashi uu isha ku hayo ay ka mid yihiin Xoghaya Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Yuusuf Keyse Cabdilaahi iyo Aqoonyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo labaduba ka mid ah dhalinyarta Aqoonyahanka ah ee aad looga garan og yahay Wasiirkana ay si fiican Xidhiidhkoodu u fiican yahay ee kana soo jeeda Degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargeysa.

 
Waxaanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arintan oo khadka teleffoonka gacanta kula xidhiidhnay jiritaanka arintan iyo bal waxa uu kal socdo in Wasiirka duulistu xil u magacaabayo Xoghaya Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Yuusuf Keyse Cabdilaahi, kaasi oo nasiib wanaag aanu khadka ku halay balse aan wax jawaab ah oo waafi ah naga siinin jiritaanka in wasiir maxamuud Xaash la soo xidhiidhay kana codsaday in uu iska casilo xilka Xisbiga oo qaato xilka Maamulaha Madaarka ee Hargeysa, balse waxa uu ku gaabsaday In aanu jeclahayn in uu wax arintaasi ku saabsan ka hadlo isagu wakhtigan waxaanu yidhi “Mayaya Walaal arintaasi Wasaaradda ay khuseyso ka la xidhiidh anigu waxba ka odhan maayo ee” Jawaabta uu Xoghaye Yuusuf bixiyey ma cada in uu daaha saarayo inay wasiirka arintaasi ka wada hadleen balse hadana loo ma macneysan karo in uu deedefeeyey oo jawaabtiisu may kala cadeyn uu Mareegta Gobanimonews ka siiyey arintaasi.

 
Dhinaca kale Mareegta Gobanimonews waxay dedaal dheeraad ah ay ku bixisay inay jiritaanka arintan wax ka weydiiso Maamulaha laftiisa iyo Aqoonyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo isna ah qofka 2aad ee ilo wareedadu sheegeen in uu Wasiir Xaashi la dhacsan yahay Aqoontiisa iyo Kartidiisa, balse nasiib daro labada midna noo ma suurto gelin Taleefannadooda gacanta oo aan noo suurto gelin awgeed, waxaanse balanqaadaynaa wixii ka soo kordho arintaasi iyo Talaabadda Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi la sheegay in uu shaqada kaga Eryi doono Maamulaha Madaarka Hargeysa Mr Dhidar intaba Saacadaha Soo Socda iyo Maalmaha inagu soo fool leh ayaanu idiin soo gudbin doona wixii ka soo kordha arintaasi.

 

 

SOURCE GBN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here