Maamulaha Madaarka Hargeisa Oo Gabay Hawshii Uu Qaranka U Hayey Iyo Wakhtiyada U Badan Oo Uu Ku Lumiyo Isticmaalka Adeega FACEBOOK

0
146

Hargeisa(SDN)Maamulaha Madaarka hargeisa Maxamed yuusuf dhidar oo ku sifoobay maamule hawshii qaranku u igmaday gabay kaasi oo wakhtiyadiisa u badan ku lumiyey isticmaalida aalada FACEBOOK iyo waliba tamashlaynta goobaha bulshadu iskugu timaado.

dhi

 

Maxamed Yuusuf Dhidar oo mudooyinkii u danbeeyey ku caanbaxayey ka hor istaagida masuuliyiinta qaranka iyo waliba asxaabta mucaaridka ah qolka nasashada ee VIP da kaasi oo ku andacoonya in uu awood buuxda u leeyahay in uu ka hor istaago masuuliyiintii qarankani hormuudka u ahayd sida maayir C/Raxmaan Maxamud Caydiid Soltelco.

 

 

Hadba Shabakada wararka ee suradnews.com oo isku dayday sidii ay ula xidhiidhi lahayd maamulaha madaarka hargeisa mr DHIDAR ayaa waxa uu ku jawaabay hadalo qalafsan oo badi ay u badan yihiin in ay war baahinta madax banana ay tahay beenaalayaal waa sida uu hadalka u dhigay ee waxa kale oo uu hanjabaad gaaban siiyey shabakada suradnews.com.

 

 

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada mud maxamud xaashi cabdi ayaa ilaa hada aan waxba ka Qaban masuulkani adeegsanaya awoodo qayru dastuuri ah kaasi oo aad ku qiyaasi karto in ilaa hada aan wax sharci ah oo uu ku tumanayo aan isku arkayn.

 

 

Cumar C/Risaaq Cali
Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here