Maamul Xumo Baahsan Oo Dul-Hoganaysa Maamulka Ismaamulka Magaalada Wajaale

0
318

Tog-wajaale(SDN)Maamulka magaalada Tog-wajaale, oo maamul xumo iyo waliba musuq maasaq balaadhan dul hoganayo kadib markii si qaldan loo maamulay mashaariic balaadhan oo midka ugu badan uu yahay ilaa 5 Bilyan oo bir kuwaasi oo lagu la siiyey dad hayb gaar ah ay yihiin maayirka magaalada Tog-wajaale.

Xogo muhiim ah oo aanu ka helnay gudaha tog-wajaale ayaa sheegaya in is-fahan waa balaadhan iyo muran uu soo kala dhex galay maamulka tog-wajaale iyo waliba madax xafiiseedka maaliyada ee wajaale kuwaasi oo isku seegay dhaqaale laga helayo mashaariicdaasi.

Fariimaha iyo guuxa balaadhan ee ka jira ismaamulka magaalada tog-wajaale ayaa ah in madaxweyne Mustafe Cagjar uu wax ka qabto maamul xumada iyo musmuq maasaqa ka dul hoganaya maayirka magaalada Wajaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here