Maalmihii iyo iyo todabaadkii la soo dhaafay waxaa warbaahin caalamka lagu faafiyey aflagaado qaawan loo lagu samayey nabigeenii suubaanaa Muxamed naxariis

0
283

Maalmihii iyo iyo todabaadkii la soo dhaafay waxaa warbaahin caalamka ku lagu faafiyey
aflagaado qaawan loo lagu samayey nabigeenii suubaanaa Muxamed naxariis iyo nabadgalyo
korgiisa ah ahaatee taasoo ay qortay jariirad ka soo baxda dalka France oo magaceeda la
yidhaado Charlia Hebdo ku daabacay aflagaaddo qaawan oo uu ku sameeyey nabigeenii
suubbanaa Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaato taasi oo ay mar walba colaad iyo
nacayba iskugu darsadeen in mar walba ay sameeyaan wax lagu aflaadeynayo iyo iyagoo ka
sameeyey filim kartoono ay ku caaayayan rasuulkeenii suubana csw.
Qof aan diin lahayni meel walba oo uu joogo iyo xilli walba oo uu nool yahay waa mid kaliya;
waa mid u taagan deedifaynta iyo wax ka sheegida diinta Islaamka. Waa mid dardaaran ku sita
been abuur kasta oo u gaysan karo.
Cidda u mudan ee Muslimiintu sharaftiisa ilaaliyaana waa Nebi Muxamed CSW, taas oo ay
dhaleecayn iyo wax aanu geyin ku sheegayaan maanta kuwaasi.
Illahay SWT mar uu ka hadlayey gaalada iyo ficiladooda is shabaha wuxu yidhi “waar may isku
so dardaarmeen” taas oo mujinaysa gaal xilli walba oo uu joogo inu kii uun yahay.
Haddii aad maanta arkayso mid majallad wax kuso daabacaya shalayba afkooga ayey ku
dhaleecaynayeen, eeg marku Alle SWT ka waramayey Qur’aanka iyo waxay ka yidhaahdeen
“waa saaxir”, “waa gabyaa waalan”, “gelinka hore iyo ka dambe ayaa loso dhiga”, iyo hadalo
kasi liita.
Illahay SWT wuxu yidhi “kuwa dhibaya Alle iyo Rasuulkiisa, if iyo aakhiroba waa nacdalan
yihiin”, haa imisaad aragtay mid laga fadhiyi waayey oo meel xun ku dambeyey, oo is waayey.
Waxa aad taariikhdooda baadha kuwi Makka ku dhibi jiray Rasuulka CSW iyo saxaabada halki ay
cidhibtoodu ku dambaysay…………
Laakiin inagu hadaynu nahay dadweynaha reer Hageisa ama Somaliland dagan maynu wax ka
qabanno keena suuqa dhexdiisa ku dhex caayey nebi Muxamed naxariis iyo nabad galyo
ahaatee, sida ka jaadka iibinaya ka suuqa ka dhex shaqynaya sida haddii uu qof miir qabaa ku
yidhaahdo waar maxad u cayayasa nebigeenii suubanaa naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha
ahaatee waxaa lagu jaawabayaa waar ma diintaadii ayuu caayey adiga maxaa kaa galay ma
nebiga ayuu caayey dadkeenii wey yartay qofka u nasteexayna ama wax uu sheegayo walow ay
arantaasi ay ka shaqayso guddida wanaag farista iyo xumaan reebidda, haddana wey yartahay
qacan qabasho ama caawinaad gude iyo dabadba maalin dhexdii ayey ahayd markii ay xidheen
niman caayey ilahay swt iyo nebigiinuu suubaana csw markii ay xidheen waxay u gudbiyeen
saldhiga dhexe waxaa ayan daro noqotay in markiiba la siidaayo saldhigii hadanynu nahay
bulshada reer Somaliland waa in aynu dadkeena wax u sheegnaa waayeel iyo ciiroolaba.
Haddaynu nahay dhallinta waa in aynu dadka wax u sheegna mar walba oo aynu joogno
xaafadaheena, meelaha ay dad isku uyimaad sida masaajidyada meelaha wax lagu barto sida
maddarasaha iyo iskuulada iyo weliba jamacadha taasi oo dadkeena wax loogaga dhaadhicin
karo waxna loogu sheegi karo.
……………Wabillaahi tawfiiq……

..
..W/Q:Mustafe Cali Herer(Amarre)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here