Lionel Messi Oo Barcelona Guul Ku Hogaamiyay, Xili Barcelona Ay Lugta Hore Ee Copa Del Rey Camp Nou Ku Garaacday Atletico Madrid

0
317

Kooxda Barcelona ayaa Atletico Madrid  guushii labaad oo xidhiidh ah Camp Nou kaga gaadhay. Lionel Messi ayaa goolka kaliya ee labada kooxood kala kulankan ka dhaliyay. Kulanka lugta danbe ee Copa Del Rey ayaa lagu ciyaari doonaa guriga Atletico Madrid..Barcelona ayaa markii labaad  bishan Janaayo Camp Nou ku soo dhawaynaysay kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid.Kulanka lugta hore ee Copa Del Rey ayaa lagu ciyaaray garoonka Barcelona iyada oo lugta labaad lagu ciyaari doono guriga Atletico Madrid. Barcelona ayaa horyaantii bishan kulankii horyaalka La Ligaha ee Camp Nou Atletico Madrid ku soo garaacday 3:1, waxayna Barcelona doonaysay inay lugta danbe Calderon tagto iyada oo kulanka hore sii shaqaysatay. Atletico Madrid oo wado cad iska soo marisay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid ayaa u soo diyaar garawday inay Barcelona iyadana u xiirto oo ay cidlo ka heso koobka Copa Del Rey. Kulankan ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba ku doonayeen inay natiijo fiican ka helaan. Barcelona ayaa bilawgii ciyaartaba abuurtay fursado halka ay Atletico Madrid ku bilaabatay qaab difaac iyo weerar deg deg ah ku salaysan. Inkasta oo ay labada kooxooxda qaybtii hore ee ciyaarta ku guuldaraysteen inay wax goolal ah kala dhaliyaan ayuu Luis Suarez ayaa ciyaartoyga fursada ugu fiican helay 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaarta. Ivan Rakitic ayaa kubbad layaableh Suarez meel fiican uga tuuray laakiin Suarez ayaan nasiib ku yeelan inuu fursada dahabiga ah kooxdiisa uga faa’iideeyo wuxuuna kubbada dul mariyay birta.

Atletico Madrid ayaa u soo qorshaysay inay Lionel Messi ku xidho saddex ciyaarto oo markasta heegan u ahaada kubbada uu taabanayo taas oo qaybtii hore u shaqaysay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana laga kala nastay barbaro gool la’aan ah.Messi

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu noqotay mid ka sii adag sidii ay ahayd qaybtii hore ee ciyaarta.Atletico Madrid ayaana difaaca sii adkaysatay.

Daqiiqadii 83 aad ayaa barcelona loo dhigay laaga xorta ah waxaana kubbad hoose soo tuuray Lionel Messi taas oo Busquets isku dayay inuu gool ugu dhaliyo Barcelona balse Jaunfran ayaa qalad ku galay taas oo keentay in Barcelona lagu abaal mariyo rekoodhe.busquets

Loinel Messi ayaana qaatay laakiin goolhaye Jan Oblak ayaa markii hore ka badbaadiyay Messi rekoodhada laakiin Messi ayaa kubbad ka soo booday goolhayaha si fiican markale shabaqa ugu hubsaday. ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay.Messi2

Ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1:0 ay Barcelona guul ku gaadhay lugta hore ee Copa Del Rey. kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey ayaa lagu ciyaari doona guriga Atletico Madrid iyada oo Barcelona faa’iido u haysan doonta goolka ay Camp Nou ku sii guulaysatay.Goolka uu meesi ka dhaliyay Atletico Madrid ayaa ahaa goolkii 22 aad ee uu ka dhaliyo kooxda Atletico halka uu sidoo kale ahaa goolkiisii 29 aad ee tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here