Libaaxyo ku Baxsaday Magaalada Nairobi iyo Cabsi taagan

0
143

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in libaaxyo ku xareesnaa xarunta duurjoogta ee magaalada Nairobi ay ka baxsadeen halkaasi, waxaana socda baadi goob lagu doonayo in lagu soo qabto.

Xarunta duur joogta Kenya ee KWS , ayaa xaqiijisay in lix libaax ay ka baxsadeen xarunta Duurjoogta, waxa ayna libaaxyadan u baxsadeen dhulka keynta ee kuyaala duleedka Magaalada Nairobi iyo xaafado ay kamid tahay Langata.

 

Libaaxyadan baxsaday ayaa dhaliyay cabsi xoogan oo lasoo darsay dadka degan duleedka magaalada Nairobi iyo xaafado ka tirsan Niarobi, waxaana dadka ay aad u hadal hayaan libaaxadan soo baxsaday iyagoona muujinaya feejignaan dheeri ah.

Maamulka xarunta duurjoogtra Dalka Kenya ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii loosoo qaban lahaa libaaxyadan baxsaday , waxaana dadka laga codsaday inay soo war-geliyaan haddii ay arkaan libaaxyadan.

 

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa bilaabay baadi goob ay ugu jiraan libaaxyada baxsaday, waxa ayna Ciidamada howlgalo ka wadaan goobo ay ku tuhmayaan in libaaxyadaasi baxdasy ay joogaan.




 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here