Labo Tareen oo iskula dhacay Jarmalka iyo Qasaaro kala duwan oo ka dhashay

0
142

Labo Tareen oo nuuca xamuulka qaado ah ayaa iskula dhacay meel qiyaastii 60-KM uga beegan magaalada Munich ee Caasimada dalka Jarmalka, waxaana shilkaasi ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa baahinayay Muqaalo muujinaya labo tareen oo nuuca xamuulka qaada ah oo iskula dhacay Gobolka Bavaria, waxaana la sheegay in mid kamid ah tareenadan uu wadda ka baxay kuna dhacay tareen kale.

Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhintay shilkan ka dhacay labada tareen ee isku dhacay, waxaa sidoo kale shilkan ku dhaawacmay 150-qof, Ciidamada booliiska iyo Kooxaha Gurmadka deg dega ayaa gaaray halka uu shilku ka dhacay iyagoona halkaasi ka daad gureeyay dadkii dhaawacmay.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan qasaaraha ka dhashay shilka tareen ee ka dhacay Gobolka Bavaria , ciidamada booliiska ayaana wada baaritaano ku aadan shilkan tareen ee maanta ka dhacay dalka Jarmalka.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here