Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Hay’ada Cuntada Aduunka Ee Foa Oo Ku Geeriyooday Somaliland Daawo Sawiradan

0
324

Hargeisa(SDN)Alle ha u naxariiste Yaxye Cismaan Xirsi Guuleed iyo Nin ajanebiya oo u dhashay waddanka Spain ayaa maanta gelinkii danbe geeriyooday,kadib markii gaadhigii ay wateen iyo gaadhi kale isku dhaceen duleedka Magaalada Magaalada Hargeysa.

Shilkan gaadhi ayaa ka dhacay, tuulada la yidhaahdo Burcada cusub oo u dhaxaysa Hallaya iyo Awbarkhadle oo ku yaala jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera, kadib markii ay isku dhaceen gaadhi ay wateen laba Sarkaal oo ka tirsan hay’ada Cuntada adduunka ee loo yaqaano FOA oo u soo socday Magaalada Hargeysa iyo Gaadhi siday Geel oo ku socday Dekeda Berbera, taasina ay sababtay dhimashada Saraakiisha ka tirsan hay’ada Cuntada Aduunka ee FOA.

Alle ha u naxariiste Yaxye Cismaan waxa uu ahaa darawalka gaadhi noociisu yahay Four Wheel Drive oo siday sarkaalka ka tirsan hay’ada FOA-da.

Maaha markii ugu horeysay ee shil noocan ah uu ka dhaco jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera,balse uu soo noqnoqdaa.

 

111
xxxxxxxxxxxxxxx

zzzzzzzzzzzzzzzz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here