Kuuriyada Waqooyi oo maanta hawada sare u dirtay gantaal nooca riddada dheer

0
134

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta markale waxa ay hawada sare u direen Gantaal nuuca Ridda dheer kaa oo siday Satellite dalkaasi leeyahay , waxaana tilaabadan mar kale aad u cambaareeyay dalalka jaarka la ah dalkaasi iyo Wadamada Caalamka.

War kasoo baxay Dowlada Kuuriyada Waqooiy ayaa lagu sheegay in Gantaalka maanta hawada sare u rideen uu yahay Gantaal siday Satellite dalkaasi leeyahay, waxa ayna Dowladu sheegtay in tijabadaasi ay guul kusoo dhamaatay.

 

Dowladaha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan oo daris la ah Waqooyiga Kuuriya ayaa si weyn u cambaareeyay tijaabadan , waxa ayna sheegeen falkan tijaabo gantaal loo adeegsan karo hubka Nukliyeerka.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ridida gantaalka oo qeyb ahaan dulmaray hawada dalka Japan, ku tilmaamay gabi ahaanba wax aan loo dulqaadan karin , isagpona eedeyn kulul dusha uga tuuray Dowlada Wqaooyiga Kuuriya.

Dowlada Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa ay dalbadeen in galinka dambe ee maanta oo Axad ah uu shir deg deg ah isugu yimaado Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si arrintan looga xaajoodo.

Dalka Kuuriya Waqooyi ay horey u saarneed Cunaqabteyn ayaa iska indho tiray digniino la siiyay oo ku aadan in ay joojiyaan tijaabada ay Gantaalada ridada dheer ku sameenayaan, waxa ayna arintan cirka kusii shareertay xiisada ka dhax aloosan Waqooyiga Kuuriya iyo Wadamada Jaarka la ah.







 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here