Kuliyada Nashqadaynta iyo Qorshaynta Magoolooyinka Ee Jaamacada Admas Oo Soo Bandhigay Nashqayn Ay Sameeyeen (Sawiro).

0
410

Hargaysa (SDN) Ardayda kuliyada Injineerinka ee Jaamacada Admas qaybta nashqadaynta iyo qorshaynta magaalooyinka ayaa xalay soo bandhigay nashqadayn qurux badan oo ay sameeyeen ardaydu.

Nashqadayntan ayay ardayku  soo bandhigeen xarunta wayn nee jaamacada Admas ku leedahay magaalada Hargaysa.

Waxaana munaasibadii ay ku soo bandhigayeen ka soo qayb galay macalimiinta ardayda wax usoodhigay iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday maamulka sare ee Jaamacada.

Ugu horayna waxaa faahfaahin ka bixiyay munaasibada Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Mudane Axmed Xasan Xaaji , waxaanu sidoo kale amaan usoo jeediyay ardayda soo bandhigtay nashqadaynta iyo macalimiintii kusoo tabcay ee wax soo baray, isagoo sidoo kalana sheegay in ay jaamacada Admas ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahaayeen arday aqoon tayole leh.

Qaar kamida macalimiintii wax soo baray aradayda soo bandhigayay nashqadaynta ayaa sheegay in wadankeena guryaha ka dhisani ay isku nashqad dhaw yihiin ama inta badan dhismayaasha caasimada ka dhisani ay isku wada nashqad yihiin taasi oo uu tilmaamay in loo baahanyahay ardaydan nashqadaynta soo baratay inay wax wayn ka badeli doonaan nashqadaha guryahay isku wada midka ah ee wadankeena laga dhisay, waxaanu sheegay in baahi wayn uu dalku uqabo ardaydan baratay nashqadaynta guryaha, isagoo sidoo kala  ardaydana ku booriyay inay dadaalka ay wadaan halkii kasii wadaan.

Waxaa isna munaasibada ka hadlay Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo kamid ahaa radydii soo bandhigtay nashqadaynta , waxaanu ugu horayn umahadnaqay ardaydii soo bartay cilimigan ay caawa soo bandhigeen iyagoo muujiyay ayuu yidhi dadaal dheeraada, waxuu  sheegay in uu deegaanku ubaahanyahay nashqadayn isagoo ku dheeraaday sharaxaada iyo faa’iidooyinka nashqadaynta iyo qorshaynta magaalooyinka  oo uu sheegay inay bilic quruxbadan uyeelaan deegaanka kolba sidaa loo nashqadeeyo ama loo qosheeyaa.

Waxaa iyana ka hadlay munaasibada intii ay socotay masuuliyiin ka socodtay maamulka jaamacada iyo sidoo kale macalimiintii wax soo baray ardayda kuwaasi oo amaanay ardayda iyo jaamacada admasba oo ay sheegeen in aytahay jaamacad soo saarta arday aqoon wanaagsan leh isla markaana garab taagan ardayda iyo dhalintaba.

Ugu dambayntiina waxaa bilado lagudoon siiyay qaar kamida ardaydii  soo bandhigay nashqadaynta iyo macalimiintii wax soo baray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here