Kulankii Maanta yeesheen John Kerry iyo Madaxweynaha dalka Kenya

0
131

Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka John Kerry, oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Mr Kerry ayaa Madaxweynaha Kenya kala hadlay arimo badan oo ku aadan xasiloonida Bariga Afrika, iyo arimo badan oo ku aadan qaxootiga kunool dalka Kenya ay horey u sheegtay Dowlada dalkaasi in ay dib ugu soo celineyso Soomaaliya.

 

Labada Masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay dagaalka lagula jiro waxa loogu yeeray argagaxisada iyo sidii labada Dowladooda isaga kaashan lahaayeen dagaalka kooxdaasi gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka geesta dalka Kenya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi kula kulmo Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka Bariga Afrika, waxa uuna kala hadli doonaa arimaha Bariga Afrika gaar ahaan Xaalada South Sudan iyo Doorashada dalka ka dhaceysa.

John Kerry ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu u dhoofo magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan, waxa uuna halkaasi kula kulmi donaa Madaxweynaha dalkaasi iyo xubno kale oo katirsan Dowlada.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here