Kulan Lagu Gorfaynayo Sidii Qorshe Shaqo Carbin Loogu Samayn Lahaa Ardayda Jaamacadaha Oo Maanta Hargeysa Lagu Qabtay.

0
50

Hargeysa(SDN)Kulan balaadhan oo lagu gorfaynayo sidii qorshe shaqo carbin loogu samayn lahaa ardayda dhamaynaysa jaamacadaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada hargeysa kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hayada SPARK ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen Jaamacadaha dalka, ururada bulshada, ganacsatada iyo daneeyayaasha dhalinyarada.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah masuuliyiinta Hayada SPARK Mukhtaar Maxamuud Muxumed kaasi oo ku dheeraaday ahmiyada uu kulan kani leeyahay oo uu ku sheegay mid wax weyn ka tari doona ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha oo uu u horseedi doono mustaqbal inta ay ku jiraan waxbarashada heerka jaamacada kaasi oo noqon doona qorshe lagu dhiiri galiyo korna loogu qaado aqoonta iyo hanaanka xirfadeed ee shaqo ay ku qaban karaan.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha qorshaynta ee agaasinka tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Maxamed Cabdi Maxamuud ‘Awoowo’ oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan soo dhawaynayaan qorshahan oo wax weyn ka tari doona waxaanu tilmaamay in ay hada tahay wakhtigii loo baahnaa in la helo qorshe lagu carbinayo dhalinyarada jaamacadaha ku jirta si ay u helaan aqoon iyo xirfad ay ku shaqo galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here