Kulamo Xasaasi ah oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya(Warbixin)

0
201

Muqdisho(SDN)Waxaa Xalay kulamo qaarkood albaabada u xirnaayeen uu ka dhacay Xarunta Madxatooyada Villa Soomaaliya, waxaana kulamada xoogooda diirada lagu saarayay sidii Xukuumada cusub uu soo dhisay R/Wasaare Cumar Cabdirashiid ay u heli laheed Codka Kalsoonida Baarlamaanka.
warbixin11
Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo R/Wasaare Cumar Cabdirsahiid ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabada u xirnaayeen ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada, kulanka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in diirada lagu saaray caqabadaha adag ee horyaala Xukuumada Cusub iyo sidii ay ku heli aheed Codka Kalsoonida Baarlamaanka.

Kulanka kadib Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’izul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa siyaabo kala duwan Xarunta Madaxtooyada ula kulmay Xildhibaano katirsan Baalamaanka Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen in ay Codka Kalsoonida siiyaan Xukuumada Cusub ee ka maran Wasiiradii muranka dhaliyay.

Xildhibaanada qaarkood ayaa loo sameeyay balanqaadyo la xariira in ay kamid noqon doonaan Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada uu soo magacaabayo Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya marka ay kalsoonida hesho Xukuumada Cusub.

Waxaa jira Xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay ilaa xalay kulamo hoose kulahaa qaar kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, kuwaa oo iyana kasoo horjeeda Xukuumada Cusub iskuna balansaday in ay codka kalsoonida u diidaan.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in aan la saadaalin Karin xaalka Xukuumadan Cusub, waxa ayna qaarkood tilmaameen in ay yartahay rajada ku aadan in ay hesho Codka Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa ka gaabsaday ka hadalka Xukuumada Cusub uu soo dhisay R/Wasaaraha Soomaaliya, waxaana adag in la ogaado tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada Cusub iyo waliba kuwa taageersan.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirsahiid ayaa mar kale la kulmaya jahwareer Siyaasadeed waxa uuna ka wal walsan yahay in Golaha Wasiirada uusoo dhisay ay waayaan Codka Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here