Kooxda ICT-ga oo ku guulaysatay Koobka Ardayda Jaamacada Admas+Sawirro

0
454

Hargeisa(SDN)Maamulka Jaamacada Admas ayaa si rasmiya usoo gabo gabeeyey Koobkii Ardayda  kuliyada Jaamacadda oo socday mudao Bil, kaasi oo ay Ciyaartii kama dambaysta wada Ciyaareen Kuliyaa ICT iyo kuliyada Accounting ka, waxaanu ku guulaystay Kuliyada Barashada Cilmiga Kumbiyuutarad (ICT).

 

 

Munaasibada Koobka lagu gudoonsiinayey Kooxda ku guulaysay oo ka dhacday Goroonka dhexdiisa ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maamulka iyo Masuuliinta Jaamacada oo intii ay ciyaarta kama dambaystu socotay Xaadir ku ahaa Garoonka Oo Daawanayey, waxa kala oo ka soo qayb galay Masuuliyiinka Kala Socotay Ururada iyo Bulshada Rayidka ah ee ka ag dhaw dhalinyarada dhiiri galinaya Horumarkooda oo ay ka mid yihiin Marwo Faadumo Siciid iyo Cabdikariin Axmed Mooge iyo  Wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha.

 

 

Cabdirahmaan Cabdilaahi Maxamuud Oo ugu horeyn Munaasimada ka halday ayaa ka waran Marxaladiihii uu Soo maray Koobka Ardayda Jaamacadu “Koobkani wuxuu soo bilaabmay bishii 4aad waxaanu u dhignay 9 kooxood oo ah ardayda Jaamacada Admas kuliyadeheeda wax ka barta, waxaana kama dambaystii isgu soo hadhay labadan kooxood ee accounting –ka iyo ICT-ga Oo ay maanta ku guulaysteen ICT-gu Sanadkii horena waxa ku guulaystay Economic-ga ” ayuu yidhi Cabdiraxmaan

Gudoomiya ku xigeenka Jaamacada Admas Axmed-Naasir Xasan Xaaji ayaa ka waramay Muhuumada ay Ardayda u leedahiin ciyaaruhu “Ciyaarahani waa kuwo aanu sanad walab  u qabano ardayda dhigta Jaamacada, waxaanu ugu talo galnay inaana Jaamacadu noqon uun meel wax lagu bartoo kaliya ee aanu sidoo kale dhiiri galino Ciyaaraha iyo is dhex galka Dhalin yarada” ayuu yidhi axmed naasir waxaanu hambalyo u diray kooxda Guulaysatay iyo ta laga guulaystayba.

 

 

Cabdirakiin Axmed Mooge oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale Hambalyo udiray, waxaanu u soo jeediyey inay ka fogaadaan Qabyaalada, dhinaca kale waxa madasha ka halday Marwo Faadumo Siciid oo inta badan aad u dhiiri galisa Dhalin yarada, waxaanu ugu Hambalyeysay sida Habsamida leh ee ay u muujiyeen ciyaar wanaaga labada kooxoodba.

 

 

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalin-yarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo goob joob ahaa yaa dhinaciisa Hamabalyo u diray Kooxda ku guulaysatay Koobka Jaamacada, dhiiri galiyeyna kooxda laga guulaystay ee Accounting(Kuliyada Xisaabaadka)

 

 

Gabo gabadii waxa halkaasi lagu gudoon siiyey koobkii ay ku guulaysteen kooxdii ka socotay kuliyada ICT ee qaaday koobkaasi iyo waliba abaal marino kala duwan oo ay ku guuleysteen ciyaartoygii ciyaarayey oo ay ka mid ahayeen derejooyinka Akhlaaqda,laacibkii koobka,gool dhalinta.

Sanadkiiba hal mar ayaa ay jaamacada Admas koob noocan oo kale ah u dhex dhigtaa Ardayda Wax ka barata jaamacada si ay u dhiiri galiso dhinaca sprotiga kaasi oo ay ugu tallo gashay sidii ay dhalinyaradu iskugu wadi lahayeen waxbarashada iyo ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here