Komishanka Doorashooyinka oo La Filayo Inay Maalinta Berri ah Shaaciyaan Xubnaha u Metelaya Degmooyinka Dalka

0
174
Hargeysa()-Komishanka Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa la filayaa inay Maalinta Berri ah ay soo saaraan Liiska Guddoomiyayaasha iyo Xoghayayaasha  Goboladda iyo Degmooyinka dalka.
 
Liiskani  masuuliyiinta la shaacin doono maalinta berri ah waxaa gacan ka gaystay masuuliyiin ka Tirsan Xukumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah Guud ahaan Muwaadiniin hore looga qaaday Imtixaankii loo galay boosaskani ayaa intoodii badnayd la bedelay  kadib markii Komishanka doorashooyinka ay arrintaasi ka guureen waxaana guud ahaanba lagu saleeyay natiijadda cusub beelo.
 
Yaasiin Cilmi Cabdule oo hore Ugu soo Baxay imtixaankii  Komishanka Doorashooyinka  u tartamayay  Xoghaya Degmadda Ceel-Afweyn   ee Komishanka Doorashooyinka ayaa Lagu Bedeli doonaa Nin Lagu Magacaabo Maxamed Siciid Jamac dheere Halka Guddoomiyaha degmadda Ceel-Afweyne uu Noqon doono Saleban Xaaji Yusuf .
 
Degmooyinka Caynaba iyo Laascaanood ayaa Guud ahaanba Laga Guuri doonaa Natiijaddii Imtixaanka kasoo baxday  Waxaanna xubnaha iyo Xilalka Komishanka Lagu qaybsan doonaa nidaam beeleedyo .
 
Warar Hoose oo aanu Helayno ayaa sheegaya in Degmooyinka Gabiley , Gar-adag, Ceerigaabo  iyo Borama Lagu Salayn doono Natiijaddii kasoo baxday Imtixaankii Xubnaha Komishanka Doorashooyinku qaateen halka  Degmooyinka Hargeysa , Burco iyo Berbera iyaga Laftooda aan wali Xal muuqda laga gaadhin liisaska Masuuliyiinta metelaya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here