Khilaaf Maaliyadeed Oo Soo Kala Dhex Galay Xukuumada Muuse Biixi Iyo Axmed Siilaanyo + Dayntii Abid Ugu Badnayd Oo Lagu Wareejinayo

0
1463

Hargeysa(SDN)Wararka xog ogaal ah ee soo if baxaya ayaa sheegaya in madaxwaynaha la cumaamaday Muuse Biixi Cabdi uu ku gacan saydhay dayn lacageed oo xukuumadda xilka kasii dagaysa ee uu gaadhka ka yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirka maaliyaddu ay damceen inay ku wareejiyaan Muuse Biixi.

Waxaana la sheegay in Muuse Biixi cabdi uu diiday in xukuumadda uu soo dhisayaa ay la wareegto dayn lacageed oo lagu leeyahay xukuumadda xilka kasii dagaysaa,taas xogo aan madaxtooyada ka helaynaa ay sheegayaan in ay dhan tahay 32 Milyan oo Dollar,taas oo wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ay sheegtay in lagu leeyahay xukuumadda.

Dayntan lacageed ayaan la garanayn waxa ay xukuumaddu ku qaadatay,balse madaxwaynaha la cumaamaday ee Kornayl Muuse ayaa la sheegay in uu ku gacan saydhay dayntaas,uuna ku wargeliyey inaanu la wareegayn.

Wasiirka Maaliyadda iyo Kornayl Muuse Biix Madaxwaynaha la cumaamaday ayaa wararku sheegayaan in fiintu ay dhex miranayso isla markaana khilaaf adag soo kala dhex galay,waxaana Samsam Cabdi Aadan ay hadda ku sugan tahay gobolka Saylac,oyada oo wararka qaarna sheegayaan in ay gaadhay Jabuuti.

Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha la cumaamaday ayaan la garanayn in go;aanka uu sidaa ugu si adkaysan doono iyo inuu aqbali doono dayntaasi lagu wareejinayo sida la sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here