Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Qarxay Shirgudoonka Wakiillada Somaliland iyo Doodaha Labada Dhinac

0
201

Hargeysa(SDN)Khilaaf hor leh oo salka ku haya wareejinta haamaha shidaalka Berbera ayaa ka dhex qarxay  Shirgudoonka golaha wakiillada Somaliland. Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen oo isku dhinac ah ayaa ku kala aragti duwan wareejinta Haamaha shidaalka.

 

Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada oo saxaafadda kula hadlay xafiiskii xarunta wakiillada ayaa sheegay in guddoomiye Cirro dib u celiyay warqad qoraal ah oo madaxweyne Siilaanyo ku soo celiyay qaraarkii goluhu ku laalay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera. Waxa uu sheegay inaanay celinta digreetada madaxweynuhu ahayn mid shir gudoonku u dhan yahay balse ay ahayd mid guddoomiye Cirro kaligii goostay.

Sida la ogyahay Baashe Maxamed Faarax ayaa maalintii golaha wakiilladu codka aqlabiyadda ah ku diiday in xukumaddu wareejiso haamaha kaydka shidaalka waxa uu ka baxay fadhiga isagoo muujinaya sida uu uga soo horjeedo go’aanka golaha.

 

Guddoomiye Cirro oo isaguna saxaafadda kula hadlay isla xarunta wakiillada ayaa kuxigeennadiisa u soo jeediyay inay golaha kala mid ahaadaan ilaalinta hantida qaranka. Waxa uu ku dooday in hab awoodiisa iyo sharciga waafaqsan uu u celiyay go’aanka madaxweynaha, maadaama aanay sharciga ku qornayn awood madaxweynuhu ku soo celin karo go’aanka goluhu gaadhay.

Doodaha Labada Dhinac:-

Baashe Maxamed Faarax oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu soo celiyo go’aanka golaha wakiillada, markuu soo celiyayna uma soo celin guddoomiyaha ee wuxuu u soo celiyay gole weynaha. Guddoomiyaha markii warqadda loo keenay, shir guddoon ahaan nama tusin oo ilaa hadda kama war haynno. Gole weynihii loo soo qorayna kama hor akhrin oo uma sheegin oo ma odhan madaxweynuhu go’aankii buu inagu soo celiyay ee maxaynu ka yeelnaa. Markaa haddii goluhu isla qaato ha lagu celiyo madaxweynaha iyo inaan lagu celin waxay u taalaa gole weynaha, guddoomiyaha baarlamaankana uma taal, shir guddoonkana uma taalo.”

 

Waxa uu intaasi raaciyay “Sidii loo sugayay guddoomiyuhu inuu golaha soo dhexdhigo warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu guddoomiyuhu u qoray warqad madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada iyo in qof waliba wuxuu doono sameeyo. Waad ogaydeen oo khilaaf hore ayaa ka dhacay go’aamo guurtida loo gudbiyay waa laga gar naqay oo waxaa la go’aamiyay in wax kasta oo golaha ka baxaya shir gudoonku isla ogaado, taasna wuu jabiyay Guddoomiyuhu.

 

Dhanka kale guddoomiye Cirro ayaa sidan uga hadlay dooda Baashe ” Goluhu wuu garanayaaye waxaan jecelahay inaan shacbiga u sheego, sida xeer hoosaadka goluhu tilmaamayo golaha waxa metela oo magaciisa ku hadla guddoomiyaha golaha wakiillada. Goluhu laba wax buu sameeyaa mid waa shuruuc, midna waa go’aammo, markay shuruuc tahay dastuurku wuu tilmaamay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo, balse dastuurku ma jidayn meel ay kaga taalna ma jirto inuu soo celiyo go’aan gole.

Go’aanku wuxuu ahaa mid si aqlabiyad ah goluhu iskugu raacay, sidaas darteed aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaya magaca golaha iyo go’aanka golaha waxaan madaxweynaha u gudbiyay inaanu dastuurku jidayn inuu soo celiyo go’aan gole, waxa kale oo aan u gudbiyay in xukumaddu degdeg u soo gudbiso xeer lagu maamulo hantida qaranka oo dastuurku amray in la sameeyo si looga baxo muranka soo noqnoqda eek u saabsan maamulka hantida qaranka.

 

Soomaalidu barigii hore geela ayay kala dhici jirtay, markaa marka geela la soo qaado nin wadaad lagu sheego ayay u tagi jireen oo waxay odhan jireen xoolahana wax ka qaado anagana noo xalaalee Geela. Markaa waxaan isleeyahay malaha xukumaddu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiya oo waxay doonaysana u xalaaleeya, Saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina kuwaa geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynaysay” ayuu yidhi Mudane Cirro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here