Khalaadaadka Digreetooyinka Madaxwaynaha Cusub Ku Soo Saaro Masuuliyiinta Uu Magacaabayo

0
1076

Khaladaad farabadan oo aan loo meel dayin ayaa ka muuqda warqad goor dhaw  ka soo baxday xafiiska Madaxwaynaha Somaliland oo lagu magacaabay Maareeyaha Guud ee Hayada Duulista iyo Madaarada somaliland oo loo magacaabay Duuliye sarre  Cabdi Maxamed Rodol.

waxaana khaladaadkaasi ka mid ahaa

  • In aanay warqadu aanay lahayn tirsi lambar “Ref”
  • In aan digreeto lagu qorin warqada ee lagu qoray wareegto
  • In aan la saxeexin warqada
  • In aan shaambad lagu dhufan warqada
  • In iyadoo waxaas oo khalad ahi jiraan la baahiyay

Lama garanayo cida warqadan qortay in kasta oo  laysku waafaqsan yahay in uu wali Gacan yare u yahay madaxwayne Muuse Biixi wiil uu Adeerka u yahay ee Mubaarik Taani

Geesta kale talaabadan ayaa muujinaysa aqoon la,aanta taala Qasriga Madaxtooyada Dalka.

 

Digreetadaas ayaa u dhignayd siddan

Xafiiska Madaxweynaha
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here