Kenya oo xiray Rag looga shakiyay in ay qorsheenayeen Weerar lagu qaado Xarunta Gancsiga ee City Mall

0
212

Kenya(SDN)Ciidamada amaanka Dalka Kenya ayaa xiray afar nin oo looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin AL-Shabaab ,kuwaa oo la tuhmayo in ay qorsheenayeen weerar ka dhan ah xarunta Ganacsiga ee City Mall ee Magaalada Nyali.

Dadweyne ka shakiyay ragan ay Ciidamada amaanka Kenya xireen ayaa ku wargaliyay booliiska kadib markii gaari ay wateen ragaan ay soo dhigteen meel ku dhaw xarunta Ganacsiga ee City Mall oo ah xarun aad u mashquul badan.

Ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ee Dalka Kenya ayaa baaritaano ku haya afartan nin ee lagu eedeeyay in ay maleegayeen weerar ay ku qaadaan Xarunta ganacsiga ee City Mall , mana jirto faah faahino dheeraad ah ay Saraakiisha Kenya ka bixiyeen ragan la qabtay .

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada amaanka ay xireen shan nin oo la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacada Gaarisa .

Wasiirka Faah faahin dheeraad ah kama bixin ragan ay Ciidamada amaanka Kenya qabteen iyo halka lagu qabtay, waxa uuna sheegay in baaritaano kadib faah faahin laga bixin doono ragan la tuhmayo.

Al-Shabaab ayaa labo maalin kahor waxa ay weerar ku qaadeen Jaamacada Gaarisa, waxa ayna weerarkaasi ku dileen dad gaaraya 147-qof, weerarkan ayaana noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here