Kal-fadhigii 30-aad Ee Golaha Wakiilada Oo Si Rasmi Ah U Furmay Iyo Isku Bedel Lagu Sameeyey Guddiyada Golaha

0
191

Hargeysa(SDN)Ajandaha kal-fadhiggii 30-aad,fadhigiisii koowaad ee golaha Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta golaha wakiilada Somaliland.

 

Fadhiggan ay maanta yeesheen mudanayaasha aqalka  golaha wakiilada ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,Waxaana ku wehelinayey guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee golahaasi

 

12443421_10154046650074553_556943971_o

waxaana fadhigan ay manta yeesheen mudanayaashu ka soo xaadiray  badiba xildhibaanada golaha wakiilada iyada oo lagaga hadli doono arimo badan oo horyaala mudanayaasha.

 

 

Gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Cirro oo furay kal-fadhigaasu ayaa  sheegay in   maalinta bari ah ay xildhibaanadu ka doodi doonaan ajanadaha kal-fadhigan.

Sidoo kale Shirgudoonka Golaha wakiilada JSL ayaa  isku bedel xildhibaano ku sameeyey Gudiyadii  ay hore uga tirsanaayeen, waxaana sidan lagu Cadeeyey Digreeto uu soo saaray Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu oo u dhignayd sidan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here