Ka hortaga qishka imtixaanada India oo gaaray heer Ardayda la qaawiyo

0
109

Dowlada India ayaa dhibaato aad u badan ku qabta Ardayda xiliyada ay galayaan imtixaanada.

Wasaarada Waxbarashada dalkaasi oo dhibka ugu weyn uu ka heysto ilaalinta Imtixaanada ayaa waxa ay go’aan ku qaadatay in Ardayda ay imtixaanada galaan iyaga oo qaawan si dharka aysan ugu soo qoran qishka imtixaanada.

 

Heerka la dagaalanka qishka Imtixaanada ayaa gaaray in loo adeegsado Ciidamada Booliska dalkaasi si ay ardaydu uga baqaan ciidamada waaba hadii ay taasi suuragal tahay.

Gobolka ugu qishka badan imtixaanada ee dalka India ayaa ah gobolka Bihar halkaasi oo sanadkaani ay imtixaanada ka ilaalinayeen Ciidamada.

 

Macalimiinta ayaa sidoo kale looga shakiyaa inay u qishaan ardayda, waxa ayna taasi keentay in Ciidamada lagu daro dadka ilaalinaaya imtixaanada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here