Jose Mourinho: Gerrard Waxaa U Baahan Premier League, Waxaaba Laga Yaabaa Inaan Amaah Ku Soo Qaato.

0
221

Jose Mourinho ayaa sheegaya in Steven Gerrard uu ku fiican yahay inuu sii joogo Premier League, waxaana uu ku kaftamay xitaa in laga yaabo inuu amaah ku keeno Chelsea marka xiddiga khadka dhexe ee Liverpool uu ku biiro LA Galaxy xagaaga.

Gerrard ayaa ciyaaray kulankii ay xalayto barbaraha 1-1 la galeen Chelsea, isagoo birta garaacay lugta hore ee wareega afar dhamaadka Capital One Cup.

Kabtankii hore ee England ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagi doono Anfield xagaaga una hayaami doono horyaalka Mareykanka, waxaana uu sheegay inuusan marnaba ka horimaan doonin Liverpool, isagoo meesha ka saaray inuusan ku biiri doonin koox kale oo Ingariis ah si uu ixtiraam ugu muujiyo kooxda.

article-2919156-24E2D4C800000578-638_636x452

Gerrard ayaa 35 sanno jir noqonaya bisha May, laakiin Mourinho ayaa dareensan in halyeeygan oo dhaliyay 182 gool 698 kulan uu u saftay Liverpool inaysan weli ka dhamaanin.

“Waxaan jeclaan lahaa in Premier League uu sii ceshto xiddigaha ugu fiican, waxaan aaminsanahay inuu leeyahay tayo uu uga sii ciyaari karo sannado badan” ayuu yiri Mourinho.

Markii la weydiiyay haddii uu isku dayi doono inuu ka dhaadhiciyo Chelsea inuu sii joogo Premier League, waxa uu u sheegay BBC: “Ama inaan ku soo qaato amaah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here