Jermain Defoe Oo Doonaya Inuu Markale Dib Ugu Soo Laabto Qaranka Ingiriiska.

0
303

Weerara yahankii hore ee kooxda Tottenham Jermain Defoe ayaa markale dib ugu soo laabtay horyaalka ingiriiska kadib markii uu ku biiray kooxda Sunderland.

32 jirkaan ayaa sheegay in uu doonayo in markale looga yeero qaranka ingiriiska maadama uu dib ugu soo laabtay horyaalka dalkiisa.

“Waxaan rabaa inaan matalo xulkayga qaranka mar labaad” Jermain Defoe ayaa sidaas u sheegay Daily Star.

“Waxa ugu fiican aduunka waa inaan xirto funaanada qarankayga”.

Jermain Defoe ayaa horay ugu soo ciyaaray qarankiisa England 55 kulan wuxuuna u dhaliyay 19 gool wuxuuna haatan doonayaa inuu markale kamid noqdo ciyaartoyda xulka qaranka ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here