Jamaal Cali Xuseen Oo Si Adag Uga Hadlay Khilaafka Ucid, Xukumadda iyo Kulmiyena Ku Eedeeyay Burburinta Xisbiga Ucid

0
125

Hargeysa(SDN)Musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,ayaa markii u horaysay ka hadlay khilaafka cakiran ee xisbiga Ucid ka dhex taagan, waxaanu sheegay inuu si sharci ah u yahay musharaxa xisbiga Ucid.

 

Jamaal waxa uu sheegay in guddoomiyaha Ucid dhaafay awoodihiisa, kana talaabsaday sharciga xisbiga. Waxa uu ku dooday in guddoomiye Faysal xisbiga Ucid cunaha iskaga duubay, islamarkaana mar walba hadalo khalkhal galinaya taageerayaasha xisbiga laga maqlayo.

 

Waxa uu sheegay inaanu xisbiga Ucid ka tagi doonin,  isagoo sheegaya in heshiiska uu xisbiga ku yimid yahay mid sharci ah, islamarkaana aanu Eng Faysal bedeli karrin. Waxa uu ku dooday inaan madaxtooyada looga yeedhin doonin hawlaha Ucid qabanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here