Jaamacadda Banaadir oo xubin buuxda ka noqotay Ururka Midowga Jaamacadaha Carabta

0
191

Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa xubin rasmi ah ka noqotay ururka Midowga Jaamacadaha carbeed ee xaruntiisu tahay wadanka Jordan.

Hadalkan waxaa ku dhawaaqay Dr. Suldan Abu Curabi oo ah gudoomiyaha ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed iyo wafdi uu horkacayo oo booqasho dhowr cisho qaadaneysa ku yimid magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan oo sidoo kale ay ka mid yihiin guddoomiyaha Jaamacadda Sharqal Awsat Dr. Salim Mahir iyo Madaxa qeybta xiriirka caalamiga ah ee ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed Wahid ayaa ujeedada safarka ay dalka ku yimaadeen waxay la xiriirtay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen Jaamacada Banaadir oo dalbatay iney ururkan xubin rasmi ah ka noqoto.

Xubnaha wafdigan oo uu wehliyey gudoomyaha Jaamacadda Muqdisho Prof. Cali Shiikh ayaa waxay kulamo la qaateen qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo hormuudyada Jaamacadda Banaadir, iyagoo ka dhegeystay warbixino ku saabsan xiliga la aasaasay jaamacada, marxaldihii ay soo martay, tirada ardayda illaa hadda ka qelin jebisay, dhibaatooyinka ay la kulantay iyo yoolka ay Jaamacadu higsaneyso mustaqbalka dhow iyo kan fog.

Sidoo kale wafdigan ayaa kormeer ku kala bixiyey kambasyada Jaamacada ee ku kula yaalla magaalada Muqdisho iyo degaanka Km13, iyagoo ku soo wareegay qeybaha ay ka kooban yihiin sida xafiisyada, fasalada, maktabada, isbitaalka waxbarashada ee Jaamacadda iyo qeybo kale, iyagoo u kuurgalay tayada manhajka ardayda wax lagu baro iyo qalabka, waxaana qeyb walba oo ay tagaan warbixino ku siinayey hormuudyada iyo macallimiinta jaamacada qaarkood oo sidoo kale ka jawaabayey su’aalo ay weydiinayeen xubnaha wafdigan.

 

Gudoomiyaha Ururka Midowga Jaamacadaha Carbeed Dr. Salim Mahir ayaa ugu hambalyeey Jaamacada Banaadir horumarka balaaran ee ay ku talaabsatay, wuxuuna xusay iney u riyaaqeen qaabka ay jaamacadu u howlgasho iyo waxqabadkeeda mudadii ay jirtay.

“Ka dib markii aan dhegeysanay, warbixinada Jaamacadda, soona aragnay, kambasyada, qalabka iyo manhajka jaamacada waxaan ku dhawaaaqayaa anigoo ku faraxsan in jaamacada Banaadir ay maanta wixii ka dambeeya xubin buuxda ka noqotay ururka Midowga Jaamacadaha Carabta” ayuu yiri Dr. Dr. Salim Mahir oo dhinaca kale ku casuumay masuuliyiinta Jaamacada iney ka soo qeyb galaan shir bisha soo socota lagu qabanayo wadanka Jordan kaasoo ay isugu imanayaan Midowga Jaamacadaha carbeed iyo jaamacadaha wadanka Shiinaha.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa uga mahad celiyey wafdigan booqashada ay dalka ku yimaadeen iyo go’aanka ay ku qaateen in Jaamacadu ay xubin buuxda ka noqoto Midowga Jaamacadaha Carabta, taasoo uu sheegay iney tahay guul u soo hoyatay bahda jaamacada Banaadir, isagoo dhinaca kale ka hadlay fursadaha jaamacadu ka heleyso aqoonsigan.

 

“Aqoonsigan waxaa uu u suuragelinayaa ardayda iyo macalimiinta Jaamacada Banaadir iney waxbarasho, shaqo iyo cilmi baaris u tegi karaan dalalka Carabta sidoo kale waxay jaamacadu qeyb ku yeelan doontaa mashaariic iyo barnaamijyo fara badan oo ururkan uu ku taageero Jaamacadaha xubnaha ka ah, dedaalka aan howshan u galnayna wuxuu soo socday muddo sanad ah” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey masuuliyiinta kale ee Jaamacada, hormuudyada, macalimiinta iyo intii kale ee ka qeyb qaadatay dedaalka lagu bixiyey guushan.

Xubnaha wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan maamulka Jaamacadda Banaadir oo ay ka mid ahaayeen, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Gudoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamanka Somalia, kana mid ah macalimiinta iyo aasaasayaasha Jaamacada, Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka ee Jaamacada C/raxmaan Xasan Cumar, gudoomiyaha mu’asada Banaadir, Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti), hormuudka kuliyadda Caafimaadka Dr. Max’ed Max’uud Biday iyo xubno kale oo fara badan.

 

Jaamacadda Banaadir oo horey xubin uga aheyd Ururka Jaamacadaha Afrika iyo ururo kale oo caalami ah ayaa noqotay Jaamacaddii labaad Soomaaliya ee xubin ka noqota Midowga Jaamacadaha Carabta, iyadoo Jaamacadda Muqdisho ay aheyd Jaamacadii ugu horeysay ee xubin ka noqota ururkaas oo ay ku bahoobeen illaa 328 Jaamacadood.





























LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here