Jaamacadda Admas Oo Soo Dhawayn Ilyartu Is-qabsatay U Qabatay Ardayda Cusub Ee Sanadka Ku Soo Biiray Jaamacadda +Sawirro

0
225

Hargeysa(SDN)Jamacadda Admas ayaa u qabatay xaflad lagu soo dhawaynayo ardayda ku soo biirtay sannadkan oo gaadhaysa in ka badan 1,100 arday.

 

Xafladda oo lagu qabtay barxadda hore ee jaamacadda ayaa ugu horayn waxa ardayda kalmadda furitaanka iyo soo dhawaynta u jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda Ixsaan Cumar Ismaaciil  waxaanu ku bilaabay sidatan “Assalamu Calaykum Aniga oo ku hadlaya bahda jaamacadda Admas, ardayda hadda dhigata iyo kuwa ka qalinjabiyayba waxaan idinku soo dhawaynayaa Jaamacadda Admas immika laga bilaabana waad ka mid tihiin waanad ku mahadsantihiin doorashada aad soo doorateen Jaamacadda Admas, wixii aad filayseen iyo wax ka badan ba waan rajaynayaa inaad ka heli doontaan”.

 

Gudoomiyihu isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu u ballan qaaday ardayda inay heli doonaan waxbarasho tayo leh iyo macalimiin khibrad iyo aqoon sare leh sidoo kalena ay ka heli doonaan manhaj caalami ah oo ay kula tartami karaan ardayda kale ee daafaha dunida marka ay dhamaystaan waxbarashada jaamacadeed.

 

 

 

Gudoomiyuhu isaga oo la dardaarmaya ardayda cusub ayaa waxa uu yidhi “Arday ahaan waxa la idiinka baahan yahay inaad dadaal dheeraad ah la timaadaan halka uu macalinku yahay lecturer inaad idinku wax raadisaan oo Assigmentka iyo Quizes ka la idin siiyo aad soo dhamaystirtaan si aad aqoontiina u kordhisaan” Gudoomiyaha Qaybta Akadamiga Axmed Xasan Xaaji ayaa isna sidoo kale ka hadlay madasha ayaa tilmaamay in dufcaddani tahay lodkii 11aad ee jaamacadda soo gala, xafladdanna loogu talagalay in ay isku bartaan ardayda cusub iyo waaxyaha maamulka ee jaamacaddu. Waxa sidoo kale aynu tilmaami doonnaa xuquuqda uu ku leeyahay ardaygu jaamacadda sidaa si la mid ahna akhlaaqiyaadka looga baahan yahay ardayga, marka ay haddaba noqoto habka wax barasho ee isku dhafan ee aad gudo gali doontaan in aydaan dhayalsan koorasyada ay qaadan doontaan.

 

 

 

Tusaale waxa idiinku filan ardayda ka baxday jaamacadda ee markay ku guulaysteen shahaadadii koowaad u gudbay tii labaad ee Masterta oo u qaybsamaya qaar hadda wada  PHD goodie iyo kuwo kale oo dhameeyay ba taasina waa marag ma doon aad hadda indhihiinna ku aragtaan. Waxaanu yidhi “Waxa aad ogsoon tihiin in noloshu tahay qofba meesha iyo booska uu is dhigo se aanay gayin in nolosha la hiifo hadda waxaad taagan tihiin junction aad hore uga dhaqaajin karto geedigaaga mustaqbal” ayuu yidhi. Isla markaana waxa ku xigay Madaxa qaybta akadamiyadda Mr Mukhtar Cabdi oo ardayda si faahfaahsan ugu sharaxay shuruucda jaamacadda ardaydana ka wacyi galiyay qishka iyo inuu mamnuuc ka yahay heerka jaamacadeed.

 

 

Waxa sidoo kale goobta ka hadlay xubno  ka tirsan Maamulka jaamacadda  iyo jaamacadda oo si gaar ah waxa ugu tilmaannaa madaxa maamulka ee Jaamacadda Admas Xuseen Cabdilahi Maxamuud oo kalmado dhiiri galin ah u jeediyay ardayda cusub ee sannadkan ka mid noqonaysa jaamacadda waxaanu u sheegay in ardaydu kaliya yihiin laba qaybood: qayb tirisa inta semester ama inta sanno ee ay jaamacadda ku jireen halka inta kalena tahay in is waydiisa maxaad baratay amma korodhsatay mudadaa aad wax baranaysay uguna duceeyay ardayda inuu alle ka yeelo kuwii wax ku qiimaya inta ay korodhsadeen. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ardaydu ay hiigsigooda dheereeeyaan, oo ay rajeeyaan inay ka gaadhaan aqoonta heerka jaamacadeed ee ugu sareeya ee la gaadho.image00001 image00002 image00003 image00004 image00005 image00006 image00007 image00008 image00010 image00011 image00014 image00015 image00016 image00017 image00018 image00019 image00020 image00023 image00024 image00025 image00026 image00027 image00028 image00029 image00032 image00033 image00034 image00036 image00038 image00039 image00040 image00042 image00044 image00046 image00047 image00048 image00050 image00052 image00053 image00054 image00060 image00065 image00067 image00069 image00070 image00074 image00075 image00076

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here