Jaamacadda Admas Oo Safar Dalxiis Iyo Dal Barasho Ah Ku Sabootiyiday Ardayda Sanadkani Dhamaysanaysa Jaamacada

0
414

Hargeysa(SDN) Jaamacadda Admas oo sanad walba qabata safar dalxiis iyo dalbarasho ah oo ay ugu talo gasho ardayda sanadkaasi dhamaynaya kuliyadaha kala duwan ee jaamacada, safarkanina waxa mar kasta ku lamaan sidii ardayda kala duwan ee ka qalin-jabinaysa jaamacadu ay isku sabtooyi lahayd kaasi oo sanadani ay ardaydu ku tageen deegaanka Buurta Sheekh ee gobolka Saaxil kaasi oo ahaa mid aad loo soo agaasimay waxaana ay tirada ardayda ka qayb qaadatay safarkaasi dhamayd 200 oo arday oo ka kala socday kuliyadaha kala duwan ee ay jaamacadu bixiso.

 

Ugu horayn wax halkaasi ka hadlay Saleebaan Meygaag Obsiiye oo ku hadlayey afka maamulka Jaamacadda Admas kaasi oo faah-faahin ka bixiyey safarka u jeedka uu daaran yahay iyo tirada ardayda ka qayb qaadanaysa’’Runtii waa safar sanadleh ah oo aanu ardayda uga faaiidayno in ay dalxiisaan oo ay dalkooda bartaan waxaana ku lamaan safarkaasi sidii ardayda kala duwan ee sanadka dhamaynaysaa ay isku sii sabootin lahayeen madaamo oo wakhti kooban ka haday dhamaystirka sanadkani oo ay jaamacada ka qalin jabinayaan’’Ayuu yidhi Saleebaan Meygaag Obsiiye mid ka mid ah maamulka jaamacada Admas.

 

Geesta kale safarkani ayaa ka qayb qaata dhiiri galinta da’yarta dalka ee jeclaanshaha dalkooda hooyo taasi oo inta badan sababta in dhalinyaradu ay aad u xiiseeyaan barashada dalkooda marka ay arkaan qiimaha iyo khayraadka ku duugan, jaamacada Admasna wax ay aad uga qayb qaadataa arimahaasi oo inta badan ay aad uga shaqayso waxa si gaar ah loogu xasuusta bilowga Kubada is-dhex galka kuliyadaha ay jaamacadu bixiso oo xiiso gaar ah abuurta iyo loolan saaxiibtinimo oo ka aloosma kuliyadaha kala duwan ee wada ciyaaraya taasi oo sababtay in ay ardaydu aad isku dhex gasho.

 

Safarkani oo ah mid sanad kasta la qabto ayaa u jeedadiisa u weyn ay tahay dalxiis ay dhalinyarada dhamaynaysa jaamacada ay ku booqdaan meelaha taariikhiga ah ee jamuuriyada Somaliland waxa xusid mudan in sanadii hore ardaydii wakhtigaasi dhamaynaysay jaamacada ay ku tageen deegaanka Buurta Gacan libaax oo ka mid ah buuraha ugu quruxda badan Jamuuriyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here