Jaamacadda Admas Oo Kaalin Muuqata Ka Qaadatay Bandhiga Carwadda Jaamacaddaha Somaliland +Sawirro

0
195

Hargeysa(SDN) Jaamacadda Admas oo qayb muuqata ka qaadatay carwadii jaamacaddaha Somaliland oo mudo laba cisho ah hargeysa ka socotay taasi oo habeenkii xalay ahayd lagu soo gebogebeeyey Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Carwada jaamacaddaha Somaliland oo ah carwadii saddexaad ee laga hirgaliyo Somaliland oo noqonaysa mid ay ardayda ka soo baxda dugsiyada sarre ee dalku ay ku doortaan kuliyada ku haboon mustaqbalka iyo aayaha danbe ee nololeed kuwaasi oo ka hella talooyin wax ku ool ah oo ay ka faa’iidaan.

 

IMG_4638

Jaamacada Admas oo ka mid ah jaamacadaha ugu waa weyn dalka oo inta badan ku suntan jaamacad heerka aqooneed ee ay bixiso sarayso, Mudadii labada cisho ahayd ee ay socotay carwadani oo ay ku soo bandhigeen warbixin iyo cilmi baadhis ay ku sameeyeen Taariikhdii Daraawishta ee Sayid  Maxamed Cabdale Xasan.

 

 

 

 

Geesta kale gudooomiye ku xigeenka jaamacadda Admas Pro Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Ahmiyada Ay Leedahay waxbarashada iyo in la dhiiri galiyo waxbarashada asaasiga iy heerka hoose in laga dhiso Ardayda, wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ku amaanay go’aan kii  ay ka qaadatay in lagu darro jaamacadaha sanad asaas u noqonaya waxbarashada heerka sarre ee jaamacaddaha.

Waxaana ka mid ah hadaladisii ‘’ geel jire geela wuu wadda jiraa hadana uuna kala jiraa iyadoo tartan iyo waxyaabaha uu qofwalbaa hoos u wadanayo ay gaarkiisa u tahay hadana xidhiidhka aynu leenahay iyo waxa aynu wada qabsanaynaa waa mid intuu jiro ka badan taana waan boorinayaa’’ ayuu yidhi.

 

 

 

 

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiye xuseen kula dardaarmay jaamacadihii ka soo qayb galay carwada in ay awooda saaraan cilmi baadhista si ay u noqoto dhaxalka waddanka looga tagayo,taasina ay dalka ku soo kordhin karo inuu hormar balaadhan ka sameeyo qaybaha kala duwan ee horumarka oo ay kaalin muuqata kaga jirto waxbarashadu.

 

 

 

 

Gebogabadii jamaacadda Admas ayaa shaahaadooyin gudoonsiisay wasaarada waxbarashada iyo xubno ka mid ah wasaarada, jaamacadda Admas oo kaalin muuqata ka qaadaty bandhiga carwadda jaamacaddaha Somaliland oo markii saddexaad lagu qabtay magalaada hargeysa.

IMG_4636 IMG_4634 IMG_4486 IMG_4292 IMG_4293 IMG_4238 IMG_4236 IMG_4620 IMG_4618 IMG_4617 IMG_4616 IMG_4639 IMG_4641 IMG_4238
Cumar C/risaaq Cali
Ayman.egal@gmail.com

Hargeisa Somaliland
SuradNews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here