Jaamacadda Admas Oo Deeq Buugaag Ah Gudoonsiisay Qaar Kamid Ah Dugsiyada Sare + Sawiro

0
163

Hargeisa(SDN)Jaamacadda Admas ayaa deeq bugaag kala Duwan ah gaadhsiisay dugsiyada Sare ee Maxamud Axmed Cali, Gacan Libaax, 26-ka Juun, Sunshine , Iyo Dugsiga sare ee hablaha nuuradiin.

 
Maamulada dugsiyadaasi deeqdani jaamacadu gaadhsiisay ayaa masuuliyiinta jaamacadda ADMAS ka gudoomay deeqdani bugaagta ah iyagoona ugu mahadceliyay doorka ay jaamacadu marwalba ka qaadanayso tayaynta waxbarashada dugsiyada Sare ee Dalka iyo dedaalka ay ugu jirto ka qayb qaadashada horumarinta Tacliinta Somaliland.

 
Maamulka dugsiga sare ee Hablaha nuuridiin ayaa Jaamacada Admas ku bogaadiyay deeqdani bugaagta isagoona iftiimiyay in Admas tahay jaamacada keliya ee Jaamacadaha dalka diirada ku hayso waxbarashada dugsiyada sare kana qayb qaadata caawimada bugaagta iyo taageerida waxbarashada ee nocan oo kale ah.

 

DSC_0227
Masuuliyinta dugsiyadan Maxamud Axmed Cali Gacan Libaax, 26-ka Juun, Iyo Sunshine ayaa iyaguna dhankooda si isku mid ah jaamacadda ADMAS ugu amaanay deedalka ay ugu jirto kobcinta aqoonta iyo tayaynta waxbarashada Dugsiyada sare iyagoona xusay inay tahay ta keliya ee deeqo noocan oo kale ah soo gaadhsiisa Dugsiyadani.

 

Geesta kale Masuuliyiinta Jamacada ADMAS ayaa dhankooda iyaguna maamulada Dugsiyada iyo ardaydaba ku booriyay inay weeleyaan deeqdan bugaagta ah uga fa’idaystan barashada cilmiga Gudomiye Ku xigeenka jaamacadaasi ADMAS Xuseen Cabdulahi Maxamuud iyo Madaxa Waxbarashada ee jaamacadaasi Axmed-Naasir Xasan Xaaji oo iyaguna ka hadlay munaasibadihii wareejinta buugtani ay jaamacadu ugu deeqday dugsiyadaasi ayaa si isku mid ah dhankooda farta ugu fiiqay sida ay ka jaamacad ahaan uga go’an tahay taageerida waxbarashada Dugsiyada Sare ee Dalku .

 
Deeqda bugaagta la gaadhsiiyay Dugsiyadina ayaa Dhan, 2000 Oo buug kuwaaso ka kooban dhamaanba buugagta Dugsi sare iyo qaar general ah.

DSC_0432
Jaamacadi Admas ayaa kamid ah jaamacadaha dhanka horumarinta waxbarashada dugsiyada Sare ee Somaliland door muuqda ka qaatay waxana Ay Admas kamid tahay Jamacadaha dhanka tacliinta ugu horeeya ee Somaliland.

DSC_0441DSC_0440DSC_0439DSC_0438DSC_0437DSC_0435DSC_0433DSC_0432DSC_0227DSC_0207DSC_0193DSC_0187DSC_0186DSC_0447DSC_0446DSC_0443Admas Picsa12

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here