Jaamacada Admas Oo Xalay Xaflad U qabatay Bilawga Waxbarasha Heerka Masterka Ah (Sawiro)

0
211

Hargaysa(SDN) Jaamacad Admas ayaa xalay xaflad u qabatay bilawga ay ku shaacinayso inay bilaabayso waxbarashada heerka Master ka.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf badan oo ka kooban qaybaha bulshada sida  madaxda dawlada, shaqaalaha shirkadaha waawayn ee dalka ka shaqeeya , ardaydii jaamacad admas hore uga qalin jabisay qaybaheeda kala duwan iyo sidoo kale macalimiinta dhigi doonta waxbarashada Masterka oo ay ka keeneen dalka dibadiisa.

Waxaana faahfaahin kabixiyay ujeedada xaflada ay jaamacadu uqabatay Madaxwayne ku-xigeenka Jaamaca Admas Mr Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo ku dheeraaday qaabka ay jaamacada admas ubixin doonta wax barashadan cusub ee ay soo kordhisay, waxyaabaha ay ahmiyada siiyeen iyo sida  ay ugu suuro gashay inay  keenaan macalimiin tayo leh “Barnaamijkani wakhti dheer ayuu soo qaatay inuu bilaabmo , gabi ahaana barnaamijkani wuu ka duwanaan doonaa barnaamijkii heerka digrii ahaa , haday noqoto xaga tayada, sida uu ubixi doono iyo macalimiinta dhigidoonta intaba, intii aanu wadnay barnaamijkan su’aalaha nala waydiin jiray ee ugu badnayd waxay ahayd yaa dhigi doona, su’aashaasi waxay jaamacadu idiin balanqaadaysaa inay dhigi doonaan barnaamijkan boqolkiiba shan iyo sagaashan macalimiin BHD ah iyo wixii ka sareeya” ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka jaamaca Admas.

 

Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday Mr Xuseen inay jaban tahay kharashka  ardayga kaga baxaya barnaamijkan marka loo eego ardayda dibadaha udoonato isbar bardhigna ku sameeyay faa’iidada ay leedahay inaad dalkaaga wax ku barato adoo  wata hawlahaagii shaqo.

 

Waxa uu intaasi raaciyay madaxwayne ku-xigeenka jaamacadu in barnaamijkan  uu yeelan doona qayb online ah, waxa uu sidoo kale yeelan doonaa Digital Laybareeri  oo uu ardaygu si fufudu uga tixraaci karo.

 

Waxa uu  madaxwayne ku-xigeenku sheegay inay meesha ay awooda saareen tahay tayada Barnaamijkan uu yeelan doono oo uu sheegay inay keeneen macalimiin tayadoodu sarayso oo wax kadhiga jaamacaha caalamka sida kuwa kuyaala maraykanka.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay munaasibadii Xalay madaxwaynaha Jaamacada Admas Mr Ixsaan oo ardayda usoo jeediyay inay waxbarashadu qiimo wayn uleedahay nolasha bini aadamka taasi awgeedna ay ardaydu kordhsadaan wax barashadooda kana faa’iidaystaa jaaniskan qaaliga ah ee ay jaamacada admas ay ugu keentay dalkoodii hooyo.

Dhamaan macalimiintii iyo masuuliyiintii kahadlay xaflada ay  jaamacada Admas uqabatay bilawga  wax barashada Masterka ah ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay in la korodh sado wax barashada,Jaamacada admas ayaa kamida jaamacadaha ugu caansan geeska Afrika iyadoo darajadaana ku gaadhay tayada tacliinta ay bixiso iyo maamulka jaamacada oo ah  maamul ay ka go antahay inay ardayda ukeenaan barayaal tayo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here