Jaamacada Admas Oo Shalay Bilawday Koobka Ciyaaraha Kuliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacada

0
2808

Hargeysa(SDN)Jaamacada caalamiga ah ee Admas oo soo qaban qaabisay Koobka kuliyadaha jaamacada oo sanadkiiba hal mar la qabto kaasi oo uu sanadkani yahay sanadkii sadexaad ee koobkaasi la qabto waxaana kulamadaas wada ciyaara kuliyadaha kala duwan ee jaamacadu ka kooban tahay kaasi oo ay sanadkani wada ciyaari doonaan sagaal(9) kuliyadood, Xafladii furitaanka oo ka dhacday garoonka Power League ee magaalada hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha  Boos Mire Maxamed Nuux, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbrashada iyo sayniska Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud, maamulka sare ee jaamacada, Abwaano,Aqoonyahano iyo waliba ardayda kala duwan ee wax ka barata jaamacada Admas.

 

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyihii ugu horeeyey ee ardayda jaamacda Admas Khaalid Xaaji Aadan Cabdi kaasi oo ka hadlay isbadalada horumar ee ay ku talaabsatay jaamacada Admas waxaanu xaqiijiyey in ay jaamacadu horumaradaasi kala duwan ee ay dhaqaaqday ay hormuud u yihiin is-fahanka balaadhan ee ka dhexeeya ardayda iyo maamulka jaamacada kaasi oo sheegay in ay guul tahay in jamaacadu ay soo qaban qaabiso kulamo noocani ah oo ay ardaydu isku dhex galayso, kaasi oo taabtay in ay tahay in ardayda laga dhiso caqliyan iyo jidh ahaanba.

 

Geestiiska waxa halkaasi ka hadlay Madaxwaynaha Jaamacada Admas Ixsaan Cumar ismaaciil oo dhalinyarada ku dhiiri galiyey sidii ay u soo ban dhigi lahayeen kubad khibrad iyo akhlaaq ku dhisan oo soo jiidata ardayda kale ee daawaanaysa iyo marti da kale ee ka soo qayb gasha waaxaanu xusay in ay muhiim tahay in ardaydu is-dhex gasho taasina ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin, waxa kale oo uu ka hadlay in jaamacada Admas markasta u taagan tahay sidii ay qayb weyn uga qaadan lahayd horumarada kala duwan ee dalka ka socda una soo saari lahayd arday tayo leh oo aqoon iyo caqliyanba wanaagsan.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada Iyo Sayniska Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo madasha ka soo qayb galay ayaa ka wasaarad ahaan soo dhaweeyey ciyaaraha kala duwan ee loo qabto ardayda dalka kuna amaanay jaamacada Admas sida wanaagsan ee ay dhalinyarada u dhiiri galinayso is dhex galkooda iyo sidii loo xoojin lahaa Isboortiska(SPORTS) waxaanu sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo qayb laxaad leh ka qaadanaysa dhiiri galinta dhalinyarada waxa kale oo uu xusay in Wasaarada waxbarashada iyo sayniska iyo Wasaarada ciyaaruhu ay is ka kaashanayaan sidii dhalinyarada ardayda ah loogu qaban lahaa kulamo kala duwan oo sida ka Admas ay qabatay ah waxaanu sheegay In jaamacada Admas ay tahay mid ku dhiiratay sidii ay wax weyn uga qaban lahayd isdhex galka iyo kobcinta ardayda.

 

Gebo-Gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Ciyaaraha Boos Mire Maxamed Nuux oo ku dheeraaday ah miyada uu leeyahay Isboorisku(SPORTS) waxaanu sheegay in ay tahay mar kasta la garab istaago cid kasta oo dhiiri galinaysa dhalinyarada waxaanu bogaadiyey Jaamacada Admas kaasi oo sheegay in ay hada wadeen sidii loo qaban lahaa Kulan ayey isku arki rabaan Dhamaan jaamacadaha oo ay ka wada hadleen wasaarada waxbarashada kaasi oo sheegay in wax lagu daydo ay tahay in ay arinkaasi Jaamacada Admas ay hormuud ka noqoto oo ay iskeed kuliyadaheeda ugu qabato kulankani si-dhex galka ah waxaanu xusay in uu ka maamul ahaan aad u bogaadinayo maamulka jaamacada, Waxaanu halkaasi ka laagay kubadii ugu horaysay ee lagu furayey Kulanka.

Jaamacada Admas Oo Shalay Bilawday Koobka Ciyaaraha Kuliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here