Jaamacada Admas Oo Markii Ugu Horaysa Ay Ka Qalin Jabinayaan Arday Dhamaysatay Master Program (Sawiro).

0
221

Hargaysa(SDN)Jaamacada Admas ayaa saaka xarunta ay ku leedahay caasimada Hargaysa ku qabatay munaasibad ay arday waxbarashada labaad ee jaamacada dhamaystay (Master Program) ay ku difaacanayeen cilmi baadhis ay wadeen shantii bilood ee ugu dambeeyay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaana ugu horayn xafladaasi faahfaahiyay Madaxa Academiga Axmednnasir Xasan Xaaji waxaanu  yidhi “Xafladan Saaku waa xafladii ay ku difaacanayeen ardaydu cilmi baadhistii ay soo wadeen shantii bilood ee ugu dambeeyay ee aynu soo dhaafnay, waana dufcadii koowaad ee darajada labaad ee Jaamacada (Masters Program) dhamaystay,  Waxaanay ardaydani iskugu jiraan laba barnaamij Human Resource Management iyo project planning and management labadaas barnaamij ayuunbaa imika laga qalin jabindoonaa.

 

 

Jaamacada Admas waa markii ugu horaysay ee arday heerka labaad ahi ay ka qalin jabiyaan ama ay soo gaadhaan heerkan.

 

Axmednasir ayaa faahfaahiyay  siday ardaydan buuga Masterka ahi difaacanaysaa ay uqaadan jireen casharada  “ Ardaydan imika buugooda difaacanaysaa waxay casharada uqaadan jireen si fudud waxayna qaadan jireem maalmaha fasax laga yahay shaqooyinka sida maalmaha jimcaha iyo khamiista taasaana ufududaysay inay isku wataan waxbarashadooda iyo shaqooyinkaba ardaydu”.

 

Axmednassir oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in ardaydan saaka buugooda difaacanaysaa ay iskugu jiraan arday kakala timid gobolada Somaliland.

 

 

Waa Markii ugu horaysay ee Jaamacada Admas ay ka qalin jabiyaan arday dhamaysatay waxbarashada Jaamacada ee Heerka labaad (Master Program ) arintan ayaa muujinaysa horumarka ay ku socoto Jaamacada Admas oo sannadba sanadka ka dambaysa samaynaysa horumar balaadhan oo ay ku kasbatay in ay ardayda dugsiyada Sare ka baxaa ay ku doortaan inay ku biiraan Jaamacada Admas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here