Jaamacada Admas oo Library-gii 2aad Xalay ka Daah furtay Fresh Campus-ka + Sawiro.

0
231

Hargeis(SDN)Jaamacada admas ayaa daah furtay Library casriya kaasi oo laga furay campus 2aad ee jaamacaasi oo noqonaya kii 2aad,

 

 

munaasibada lagu daah furayey Library-gan cusub ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacada Admas gaar ahaan fresh Campus-ka, munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka sare ee Jaamacada, Arday iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

 

Ugu horeyn waxa furintaankii munaasibada waxa khudbad aad u qiimo badan ka jeediyey mid ka mida ardayda wax ka dhigata Jaamacada Admas oo ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Wax akhrintu, isagoo hoga tusaaleeyey dhinacyo badan kana waramay diintu siday umada islaamka ugu dhiiri galisay akhriska waxaanu arday u soo jeediyey “aynu ka faa’iidaysano Library-gaasi oo aynu wax akhrino” ayuu ku soo gabo gabeeyey.

 

 

Isu duwaha Campus-ka 2aad ee loo furay library-ga cusub Sacad Muuse ayaa ka waramay muhiimada uu u leeyahay maktabada cusub ee la daah furay waxaanu yidh”waxaynu halkan isugu nimid inaynu daah furno librarygan cusub oo muhiimad badan u leh ardayda gaar ahaan fresh campus-ka oo aan aad ugaga mahad celinayey maamulka sare ee jaamacada oo dadaal dheeraada u galay waxaanu ka helnay in ka badan 20 kun oo Book dalka maraykanka, waxaan u soo jeedinayaa dhamaan arday jaamacadu inay ka faa’idaystaan kuna dadaalaan wax akhriska” ayuu yidhi mr Sacad

20150419_200819

Dhinaca kale madaxa academic-ga jaamacada Admas prof Axmed Naasir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay Book-gaagta iyo qiimaha ay leeyihiin isagoo si cilmiyeysan ardayda ugu dhiiri galiyey inay akhristaan waxaanu yidhi “waa dabeecad fiican oo ay tahay Inuu arday waliba barto laakiin intee oo saacadood ayaa loo baahan yahay inuu arday waliba wax akhriyo waa hawl adag, jaamacaduna way idinka caawin doontaa sidii aad Book-ta ugu qaadan lahaydeen guryihiina oo aad ugu soo khrisan lahaydeen lakiin waxa ugu fiican inaad libraryga fadhiisato oo aad wax ku akhrido waa talaabo aad u wanaagsan ugu yaraan dhawr saacadood” ayuu yidhi Ahmed-Naasir.

20150419_200837

Prof Axmed Naasir oo hadalkiisa sii wata ayaa arday uga digay inay Dayacaan library-gan “waxaan idiinka digayaa bari inaanaan halkaa ugu iman laba arday oo assignment kuun kaga shaqeeya laakiin waa inaad buuxisaan oo aanu aragnaa iyadoo kuraasta dibada la idiin dhigay” Ahmed-Naasir.

20150419_200045

Gudoomiyaha Jaamacada pro Ixsaan Cumar oo halkaa ka jeediyey Khudbad Qiimo badan ayaa ku bilaabay “aqoontu waa muhiim ta ugu muhiimsana waa ta ardayda dhex taala su’aasha is waydiinta lihi waa lecture kii uu qaataba, waa inuu ardaygu akhriyaa 3 saacadood ugu yaraan, waxaan halkan ka balan qaadayaa book tu waa laba nooc oo isugu jirta soft Copy iyo Hard copy oo ciidii doontaa waxay akhrisan doonaan qaybta digital-ka ah, laakiin waa inaad aad uga faa’idaysataan aqoonta meesha taala oo aad ilaalisaan Book-ta si ay uga faa’idaystaan kuwa idinka dambeeyaa guul baan idiin rajaynayaa” ayuu yidhi prof. Ixsaan Cumar

20150419_200957

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Prof sulub oo ka mid ah professor-rada Jaamacada oo dhankiisa ka waramay aduunka iyo sida wax looga akhristo iyo muhiimada ay leedahay.

20150419_201321

Gabo Gabadiina waxaa si rasmiya Xadhiga looga jaray Library-gan Cusub ee Fresh campus-ka oo halkaasi xadhiga uu kaga Jaray Gudoomiyaha Jaamacada  Admas Prof Ixsaan Cumar.

20150419_20142220150419_201644 20150419_201652 admaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here