Jaamacada Admas oo Ardayda dhamaysay u qabatay Munaasibad ay ku difaacayaan Book-gooda

0
201

Hargeysa(SDN)Jaamacadda Admas ayaa munaasibad u qabatay Arday sanadkan ka qalin jabisay taasi oo ay ku difaacayaan Book-ga, Munaasibadan oo ay Jaamacada Admas qabato sanad walba xiliga ay baxayaan Ardayda dhamaysaa ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Jaamacada  ay ku leedahay Magaalada Hargaysa.

Munaasibada ayaa waxa ka Soo qayb Galay Masuuliyiin ka kala socotay Wasaarada Waxbarashada,Ciyaaraha,Madaxwaynaha Jaamacadda Iyo Marti Sharaf Kale.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Jaamacadda Ixsaan Cumer Ismaaciil ayaa furi taankii kalmada kooba ka jeediyey waxaanu tilmaamay Ahmiyada ay leedahay inuu Ardaygu difaaco Book-giisa uu soo diyaariyey, prof  Ixsan ayaa xusay inay Jaamacadu sanad walb xiligan oo kale u qabato ardayda dhamaysa si ay u muujiyaan wax qabad kooda mudadii ay jaamacadda dhiganayeen iyo Cilmigii ay ka barteen.

“Maanta Arday Kastaa Halkan waxa uu u soo istaagayaa Sida uu ugu Sheekayn Lahaa Buuga uu Soo diyaariyay,waxaana muhiim Ah in Ardaygu Sharaxaad ka bixiyo wakhtigii badnaa ee uu u soo dhabar adayga jaamacadda iyo waxa uu baranayay, waa maalin wayn oo xagiina iyo xaga yagaba ka wayn oo aad oo gaba gabayseen waxaad baranayseen Seddex-dii sano ee ugu dambaysa oo aad soo ban dhigaysaan shaqadii aad qabanayseen Lixdii bilood ee ugu dambaysay,markaad ka tagaysid Deegaankii aad seddex dii sano ee ugu dambaysay wax ku soo baranaysay waa murugo, waxa kale oo farxad ah waxaad dhamaysay waxbarashii aad soo waday Seddex daa sano”

Buugu waxa uu Guddoomiyaha Jaamacadu sheegay inuu Muhiim yahay Madaama oo Qofkasta Xasuuqu Qor iska reebayo,isaga oo Ardayday ku Amaanay Wakhtigii badnaa ee ay U soo dhabar Adaygeen Wakhtigii Waxbarashada Ay ku gudo jireen,isaga oo u Rajeeyay intaxaanka in Ay Darajo Fiican Keenaan.

DSCF5629

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland oo isaguna Munaasibada ku Hadlay ayaa Aryday ku Bogadiyay Wakhtiga Ay galiyeen in Ay noqdaan Dad dalka iyo Shacabka Somaliland waxa ku Soo kordhiya isaga oo Xukuumada ku sheegay Mid Kaalinteeda ka Qaadan Doonta Jaamacaddaha Dalka Kana war Hayn Doonta waxaana uu yidhi.

DSCF5618

“waxa la doonayaa inay soo baxaan Aqoonyahano Dalka u adeega Admas waxay waxay ka mid tahay Jaacadaha aanu u aragno inay Heerka Waxbarasho ee Dalka Kow ka yihiin, mudooyinka Soo socda waxa noo qorshaysan ka Xukuumada Ahaan Sidii Jaamacadaha Dalku wax badan dalka Si ay ugu soo kordhiyaan looga War Hayn Lahaa,Ardayda Jaacada Admas waxaanu ka aamin san nahay dad wax badan Fahansan waananu ku taageeraynaa oo waanu ku garab taagan nahay.

DSCF5609

Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa isna Cadeeyay in Wax dhigashadu aanay Ahayn Wax yara isaga oo Ardayday Somaliland ku guubaabiyay in Ay waxbarashada Guntiga u xidhaan Fursado Badan oonay Wakhtigoodii Heli jirin Badka Soo dhigay waxaana uu yidhi.

DSCF5581

“waxaan filaayaa waa munaasibadii Qiimo badan,waxaan ku Farax sanahay in Ay ardaydu soo bandhigaya wixii ay barteen, aad ayaan ugu farax san ahay waxayna ka mid tahay wax yaabaha lagu qiimeeyo Jaamacadaha inay Ardaydu soo bandhigaan wixii ay barteen oo Ardayga waa inuu cadeeyaa wixii uu soo bartay waanan ku hambalyeynayaa barito dalkan idinkaa madax ka noqon doona aad baan idiinku hambalyenayaa shaqada aad qabateen Ardayda iyo Masuuliyiinta Jaamacada Admasba, runtii Jaamacada Admas waa Jaacadaha Gaarka loo leeyahay ee Hormuudka ka ah Jaamadaha Dalka.

DSCF5578

Intaas waxa uu ku daray.”buuga marka ay ardaydu soo bandhigaan qoristiisu way hawl badan tahay sida ay u soo jeedinayaan way kala Hawl badna yihiin,Cilmiga aad barateen idinka oo ah ubaxii wadanka dalkiina ayaad ku anfici doontaa.

DSCF5584

Dhinaca kale ardada ka qalin jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaacada Admas ayaa halkaasi ku soo bandhigay Aqoonta ay barteen oo ka kooban dhamaan Kuliyada ay Bixiso Jaacada Admas, waxaana halkaasi lagu wadaydiiyey su’aalo kala gadisan oo la xidhiidha mashaariic ay soo bandhigay Kuwaas oo Arday ka Horjeedinayay Buuga uu Arday Waliba Qoray waxa uu ku saabsan Yahay.

DSCF5591

Gaba-gabadii waxa Sanadkan Lagu Soo bandhigay jaamacadda Fakalo ku cusub oo Kuwaas oo Jaamacadu Horumarka ay ku Talaabsatay Ka mid Ah.

DSCF5631DSCF5714xxxxxxDSCF5707DSCF5706DSCF5671DSCF5677DSCF5680DSCF5684DSCF5642DSCF5631DSCF5629DSCF5619DSCF5613DSCF5614DSCF5615DSCF5618DSCF5612DSCF5610DSCF5609DSCF5607DSCF5603DSCF5604DSCF5605DSCF5606DSCF5601DSCF5600DSCF5599DSCF5598DSCF5593DSCF5594DSCF5595DSCF5596DSCF5592DSCF5591DSCF5590DSCF5589DSCF5583DSCF5584DSCF5585DSCF5587DSCF5582DSCF5581DSCF5580DSCF5579DSCF5577DSCF5578

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here